War deg deg ah: Xarakada Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Magalada Dhuusomareeb

Sunday April 24, 2011 - 00:03:30
0 Comments
1008
Super Admin
Xarakada Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Magalada Dhuusomareeb
Xarunta Gobolka Galgaduud kaasi oo dhaxmaray xarakada Al Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana lagu soo waramayaa in guud ahaan magaalada marqibnimadii caawa ay gacanta u gashay Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka galabta ayaa ahaa mid socday ku dhowaad Seddex saacadood oo xiriir ah, waxaana markii dambe ay xaajada ku soo idlaatay in ciidamada Ahlu Sunna magaalada xoog looga saaro.

Saraakiil u hadashaya Al Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in magaalada ay gacanta ku hayaan sida dad degaanka qaarkoodaba ay xaqiijiyeen dhanka kalana saraakiil Ahlu Sunna u hadashayna waxa ay ku gaabsadeen in ay dib uga hadli doonaan dagaalka galabta.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro baaxad weyn oo dagaalka ka gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah, waxa uuna dagaalka ka dambeeyey weerar qorsheeysan oo ay AL Shabaab qaadeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya dadka badan oo rayid ah magaalada ay isaga baxeen sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan Shabaabka madaamada mar sidaan oo kale Shabaab magaalada Dhuuso-mareeb u qabsaday si bareer ay u dileen dad rayid ah.

Xaalada ayaa haatan kacsan hasa ahaatee maha markii ugu horeeysay ee ay Al Shabaab qabsadaan Dhuuso-mareeb inkastoo markii ugu dambeeysay ee ay qabsadeen awood looga soo saaray rag badana looga dilay.

Yusuf Abdirahman Farah (Yusuf Jeey)

Related Items


Leave a comment