Koox hubaysan oo caawa dishay midkamid ahaa Nabadoonada Boosaaso dhaawacdayna dhowr ruux oo kale

Sunday April 24, 2011 - 22:07:46
0 Comments
1143
Super Admin
Koox hubaysan oo caawa dishay midkamid ahaa Nabadoonada Boosaaso dhaawacdayna dhowr ruux oo kale

Waxaa caawa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland ay koox hubaysani ku toogatay mid kamid ahaa Nabadoonada waaweyn ee magaalada Boosaaso iyadoo ay isla kooxdaasi dhaawacday ku dhawaad sadex ruux oo kale oo ay ku jiraan odayaal dhaqameedyo la socday nabadoonka xiligii la dilayey oo uu kasoo baxay midkamid ah masaajida magaalada Boosaaso.

Kooxdan ayaa toogtay Nabadoon Siciid Cumar Siciid (Kaashawiito) oo kamid ahaa nabadoonada waaweyn ee magaalada Boosaaso kaasoo kasoo baxay Masjidu-Rashiid oo uu ku tukaday salaadii maqrib,waxaana dadka la dhaawacmay oo asxaabtiisa u badnaa ay iyana kula tukadeen isla masaajidkaas,welina looma hayo werarkaas cid looga shakaysan yahay ama cidii ka danbeysay dilka Marxuumkan & dhaawaca dhowrka kale.

Nabadoon Siciid Cumar Siciid (Kashawito) wuxuu kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga qadariyo magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xili habeenadii ugu danbeeyey ay deegaanada Puntland si isdabajoog ah uga dhacayeen dilal aan kala joogsi lahayn,waxaana Marxuumka caawa dhintay uu dilkiisu noqonayaa midkamid ah dilalka laga beegsanayey waxgaradka Puntland oo si aan kala joogsi lahayn uga dhacayey magaalooyinka Boosaaso & Gaalkacyo bilihii u danbeeyey.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment