Gen; Shariif Shiikh Maye oo sharci adag dul dhigay Hutelada Mogdisho;

Saturday April 30, 2011 - 20:06:11
0 Comments
1168
Super Admin
Hotelada Muqdisho oo loo Digay iyo Hotelkii ugu Horeeyey oo Mudo 20-sano Fasax Weydiista Hay’ad Dawladeed;
Taliska booliska DKMG Soomaaliya ayaa galabta markale soo saaray digniin ku socota hotelada magaalada Muqdisho xilli lagu wado in maalmaha soo socda ay kulamo xasaasi ah ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska DKMG Gen Sharif Sheekh Maye oo galabta khadka telefonka shir jaraa’id oo wadajir ah ugu qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay so xiri doonaan mulkiilayaasha iyo maamulada hotelada Muqdisho haddii shirar aan loo fasaxin lagu qabto.

“Cidii hotelkeeda shir lagu qabto waxaan saareynaa maxkamad wixii sharcigu ka qabo ayaana la saarayaa”, ayuu yiri Gen Sharif Sheekh Maye.

Wuxuu intaa ku daray inay ka warheleen in maalmaha soo socda shirar dawlada lidi ku ah lagu qaban rabo hotelada magaalada oo ah goobaha ugu badan ee madaxda iyo xildhibaanada barlamaanka ku kulmaan laga jeediyey war saxaafadeedyada iska soo horjeeda ee beryahan labada garab ee DKMG u kala jabtey isu jeediyaan.

“Waxaa na soo gaartey codsi qoraal ah oo nooga yimid maamulka hotel Saxafi oo naweydiistey in shir ujeedadiisu tahay wada tashi berito oo ah Axad 1da May uu ka dhaco hotelkaasi waana u fasaxnay”, ayuu yiri taliyaha booliska DKMG oo ka hadlay in hotelka Saxafi oo ka mid ah hotelada sida weyn ay xildhibaanada ugu shiraan ee ku yaalla aaga mashquulka ah ee KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Horey ayaa wasaarada arimaha gudaha DKMG iyo taliska booliska waxay u soo saareen amar lagu mamnuucayo shirarka iyo mudaaharaadyada aan fasaxa loo heysan taasoo sida muuqata dawlada uga dan leedahay inay ku aamusiso qeybta u badan barlamaanka oo hadda loolal adag kula jirta xukuumada iyo madaxweynaha oo khilaaf adag uu hareeyey, balse waa markii ugu horeysay oo hotel ku yaalla Muqdisho mudo 20 sano ah uu codsi u diro hay’ad dawladeed kana codsado in lagu shiro xilli la og yahay in hotelada Muqdisho ay leeyihiin ganacsato hubeysan oo danahooda kaliya u adeega.

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment