Imaam Mohamud Imaam cumar oo ku geeriyooday wadanka Kenya;

Friday May 13, 2011 - 10:09:03
0 Comments
1485
Super Admin
Imaam Maxamud Imaam Cumar oo Xalay ku Geeriyooday Magaalada Nairobi
Allah ha u naxariistee Imaam Maxamud Imaam Cumar oo ahaa Imaamkii guud ee beelaha Hiraab ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Sida ay u sheegeen ehelada Imaamka, waxaa Imaam Maxamuud bishii u dambeysay lagu hayey isbitaal ku yaalla Nairobi kadib markii xanuun uu ku soo boodey xilli uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Waxaana Imaamka oo xaaladiisu beryahan cusleyd uu xalay maqribkii ku geeriyooday isbitaalkii lagu daweynayey.

Cabdi Imaam Cumar oo la dhashay Imaamka ayaa noo xaqiijiyey in Imaamka lagu aasi doono magaalada Muqdisho oo la filayo in meydkiisa loo soo qaado.

Dhamaan masuuliyiinta DKMG, Madaxweynaha, Raysul wasaaraha iyo gudoomiyaha barlamaanka ayaa tacsi u direy ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ahaa hogaamiye dhaqameed mudo dheer hogaaminayey beelaha Hiraab.

Imaamka oo mudo dheer ku jirey hawsha dhaqanka ayaa lagu xusuusan karaa sidii uu uga soo horjeestay kooxda Al-Shabaab oo falalkeeda ku wajahan bulshada uu aad u diiday uguna baaqay inay ka waantoobaan dhaqamada ay ku lug leeyihiin. Waxaa sidoo kale jirtey indhowr jeer uu meelo fagaarayaal ah uu ka habaaray.

Dhamaan bahda war baahinta burtinletimes waxay leedahay ilahay samir iyo iiman ha ka siiyo ehelkisa iyo qarabadisa aaamin

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment