War hada naga soo gaaray magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool;

Wednesday May 18, 2011 - 01:41:32
0 Comments
1156
Super Admin
Laascaanood oo Caawa lagu diley labo qof oo midi ka tirsanaa Maxkamada Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland
Wararka caawa naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa sheegaya in Maqribkii dabadiisa la diley labo qof oo mid ka mid ahi uu ahaa Masuul ka tirsanaa Maxkamada Gobalka ee Maamulka Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland.

Khadka Telefoonka ooBT kula xariirey qaar ka mid ah shacabka laascaanood ayaa noo xaqiijiyey falkaasi lagu dilay kusimihii Maxkamada Gobalka Sool Sh. Maxamed Cabdiraxmaan Samatar, ninka kale ee la dhintey ayaa wararku sheegayaan in la diley kadib markii u isha lasii raacay kooxdii dilka u gaysatey masuulka ka tirsanaa Somaliland waxayna ka shakiyeen eegmadiisa oo ay ka baqeen inuu gartey ninkan danbe waxa naloo xaqiijiyey inuu ahaa ganacsade meherad ku haystey halka lagu diley Kusimihii Maxkamada Gobalka SOol ee maamulka Somaliland.

Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa caawa kacsan waxaana magaalada roondaynaya Ciidamada xooga magaalada ku haysta, dilka caawa ka dhacay magaalada waxa uu ku soo aadayaa iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin Masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland uuna ka mid yahay siyaasiga isbadbadalka badan Axmed CabdiXaabsade oo hada ka tirsan xukuumada Siilaanyo ahna Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi.

Masuuliyiinta Somaliland ee Gobalka Sool ku sugan ayaa waxay la kulmeen masuuliyiinta Gobalka Sool ee maamulkaasi waxaanaBurtinletimes ay dad rayid ahi u xaqiijiyeen in masuuliyiintani ay maalinta Barito ah ku qaban doonaan magaalada Laascaanoodsanadguuradii maamulkaasi.

Dilalka qorsheysan ee kadhanka ah Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ee Gobalka Soolayaa soo jiitamayey tan iyo sanadkii 2007 waxaana la diley masuuliyiin kuwaasoo qaraxyo iyo dilal qorsheysan lagu fuliyey masuuliyiinta dhawrkaas sano la bartilmaameedsanayaywaaaMaamulka Gobalka, degmada iyo saarkiisha CiidamadaBooliska, Sirdoonka, Milatariga iyo Masuuliyiinta Maxkamadaha, masuul walba oo maamulkaasi u soo magacaaboGobalka Sool waxaa lasoo darista cabsi maadaama uu liiska hore ka galayo dadka labartilmaameedsado iyadooxilalkaasna aysan dadku raadsan cabsi ay ka qabaan hayeeshee uu maamulku soo magacaabo qof aan raadsan.

War wixii danbe oo Naga soo gaara waxaad kala socon doonta wararkayga danbe

Related Items


Leave a comment