War deg deg hada naga soo garay Muqdisho

Sunday May 22, 2011 - 16:06:35
0 Comments
1875
Super Admin
Xukuumadda oo sheegtay in inta badan ay la wareegtay Bakaaraha
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in intii badan ay gacanta ku dhigeen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyagoo dhinaca kale u digay ganacsatada Suqaasi in dhismahooda loo aadeegsado dhufayso ay ka dhistaan Shabaab.

Wasiirka Gaahaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’ud Fiqi iyo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay Warbaahinta Magalaada Muqdisho ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen dagaallo saakay Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo is garabsanaya ay ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirada ayaa waxaa ay sheegeen in dagaaladaasi horumar ay ka gaareen Ciidamada dowladda islamarkaana ay kula wareegeen wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab.

Wasiirka Gaahaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’ud Fiqi ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay xaqiijin doonto amaanka hantida ganacsatada Suuqa Bakaaraha, wuxuuna uga digay ganacsatada Suuqa Bakaaraha in goobahooda ay Al Shabaabb u adeegsadaan dhufayso islamarkaana Saldhigyo Milatari ay ka sameystaan halkaasi.

Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay ku wargaliyeen inay xaqiijiyaan amaanka hantida Suuqa Bakaaraha, isagoo tilmaamay in ciidamada dowladda aysan marna dhac iyo boob aysan u gaysan doonin ganacsatada Suuqaasi.

Warkaani kasoo baxay Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo beegmaayaa xili dagaallo saakay ciidamada dowladda iyo AMISOM oo is garabsanaya ay ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahayeen qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag islamarkaana ay kula wareegeen Isgoysyada Aadan-Cadde iyo Howlwadaag oo ay horey gacanta ugu hayeen Ciidamada Shabaab.

wixii war ah oo danbe kala soco isha wararka

www.burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment