Maamulka Suuqa Bakaarah oo codsi u dirtay DKMG

Monday May 30, 2011 - 10:46:01
0 Comments
910
Super Admin
Ganacsatada Suuqa Bakaarah oo codsi u dirtay DKMG
Xili mudooyinkii dambe dagaaalada ka soconayay degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ay saameeyeen dhaq dhaqaaqyadii ka jiray Suuqa weyn ee Bakaaraha, taasoo gabi ahaanba hakad galisay howlihii ganacsi ee ka jiray Suuqaasi ayaa waxa walaac arintaasi ka muujiyay gudoomiyaha ganacsatada Suuqa weyn ee bakaaraha Cali Max’ed Siyaad (Cali Dheere).

Cali Dheere waxa uu sheegay in xiligaan gabi ahaamba uu xirmay ganacsigii ka jiray Suuqaasi, waxaana uu saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ka codsaday in ay dhowraan hantida ay leeyihiin dadka shacabka ah, isagoo ka digay in Suuqa uusan noqon goob dagaal maadaama noloshooda ay ku xirantahay dad danyar ah oo maalin walba u soo shaqo tagi jiray Suuqaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha Cali Max’ed Siyaad (Cali Dheere) waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aysan wadahadalo la yeelan dhinacyada dirirtu ay ka dhaxeyso ee isku heysta gacan ku heynta Suuqa, isagoo labada dhinac ka codsaday in ay joojiyaan dagaalada si ay u bad baado hantida taala Suuqa Bakaaraha.

Si kastaba hadalkaani ka soo baxay Gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa imaanaya xili uu xirmay inta badan ganacsiga ka jiray Suuqa Bakaaraha, waxaana xirnaashiyaha Suuqa Bakaaraha uu saameynta ugu daran ku yeeshay dadka danyarta ah ee noloshooda ay ku tiirsaneyd, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ganacsatada Suuqa qaarkood ay bilaabeen in hantidooda ay u rartaan Suuqyada kale ee nabdoon ee kuyaala Magaalada Muqdisho.

Xafiiska wararka burtinleTimes Muqdisho

Related Items


Leave a comment