USA Oo $45 million Siinayso Ciidamada Ugandha iyo Burundi.

Monday June 27, 2011 - 18:35:24
0 Comments
958
Super Admin
Washinton: Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamada midowga Africa ee nabad ilalinta u jooga somalia ee Kakala socda Dowladaha ugandha iyo Burindi u balan qaday aduun lagaceed oo garaya Oo $45 million oo doolarka Maraykanka ah iyo Afar diyaradood oo ah nooca loo yaqaan drone oo ah nooca wax duqeeya.
Dowlada maraykanka xafiiskeeda gashaandhiga ayaa sheegay in lacagtasi iyo diyaaradahasi ay ciidamada modowga Africa Soomalia joga ay u siinayaan ay Tahay sidii ay dagaal ula gali lahaayen ururka shababka oo ka mid ah ururka Al-Qacida Oo uu hogamiyaha u yahay wadadka Reer masar Ayman Azawahiri.

Sar kaal ka tirsan ciidanka maraykanka ayaa dhawan walac ka muujiyay qatarta ay keeni karan shababka isagoo ku Baqay in lasoo cirib tiro shababka si aysn ugu sii baahin geeska Africa.

Dhawaan uun ayay ahayd markii diyaarado jawi hoose ku duulaya ay duqeymo ugeysteen xarumo milateri ay lahayen Ururka shabaabka kuwaasuu kuyaalay magaalada kismaayo diyarahaso la aminsana in ay lahayeen ciidamada Maraykanka.

Dowlada maraykanka ayaa sheegtay in dhaqale aad u badan ay siin doonto ciidamada modowga Africa ee jooga Soomalia Si dalka soomalia looga xasiliyo shababka oo xiir la leh Al-qacida.


Dowladaha Ugandha iyo Burindi ayaa somaalia waxa ka jooga ciidamo gaaraya 9,000 kuwasoo nabad ilaalin iyo Xasilooni u jooga dalka Soomaalia balse waxa dagaal aan dhamaad lahayn kula jira shabaabka o qirtayin ay yihin farac ka tirsan Al-qacida.



Burtinletimes Washinton

Burtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment