Daawo sawiro laga qaaday shirkii Beesha YD ee kadhacay Boston April 4, 2009

Tuesday May 26, 2009 - 12:26:33
0 Comments
7666
Super Admin
Saturday April 4, 2009: Shir Balaaran oo ay isku yimaadeen dhamaan qaybaha kaladuwan ee beesha Yusuf Daarood oo kadhay Boston.

Waxaa maanta Hallka Shirarka ee Tobin Community Center kadhacay shirwayne ay iskugu yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Yusuf Daarood ee kudhaqan Gobalka Massachusetts, Boston oo kala leh Cuqaasha, Madaxda, aqoonyahanada, dhalinyarada, hooyoonka iyo dhamaan inta kale.

shirakaan ayaa sidii caadiyanka ahayd lagu furay quraanka kariimka ah oo uu akhriyey Mohamed C/llahi Khaliif oo ka mid dhalinyarada iyo ardayda kunool Boston.

Shirkaan oo shir gudoon ka ahaa Abdullahi Mohamed Ritoos oo horay uga ahaan jiray wasiir dawladii Cal Mahdi ayaa aad ooga sheekeyey muhiimada ay leedahay isku xirnaanta iyo wada shaqaynta guud ee laga doonayo in ay yeelato Beesha.

Shirkaan oo ay kawada hadleen dhamaan cuqaasha sida aad sawirada ka aragtaan   ayaa waxa laga soo jeediyey talooyin aad u tira badnaa,  waxaana sitoos ah  loogu falan qeeyeey arimo dhowr ah  oo kusaabsanaa hormarka beesha. waxaa hor ahaantii lasku raacay  in lasameeyo  shir joogta ah  oo lixdii bilood ba mar dhaca, si beeshu uwada kulmaan war bixinna loo kala qaato hadba meeshii ay wax marayaan, layskuna bara caruurta qurbaha ku kortay ama kudhaaayba. 

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in lasameeyo  Account guud ee beesha gaar ahaan reer Boston ay dhaqaalahooda ku aruursadaan, bilkastana lagu shubo lacagta laqoondeyey.   waxaa meesha ka marnanin aadna ugu muhiimsanaa layskuna soo qaaday In dadka abaaruhu hayan oo ay barakiciyen wax lataro loona istaago sidii looga samata bixin lahaa abaarahaas. Waxaa sidoo kale laysku soo qaaday in waxii khaladaad ah oo jira   laxaliyo loona saaro gudi arimahaas kashaqeeya,

Shirkaan ayaa si guud waxaa loogu taageeray dhaqdhaqaaqa beesha ee waayahaan danbe ka soconaya gobalada USA.

Gabagabadii   madasha  ayaa lagu soo xirey ducooyin iyo is gacmo qaadid ay kamuqatay isjecayl iyo horusocod tayo leh.

Related Items


Leave a comment