Al-Shabaab ''Wali Waa Socdaan Dagaaladdii Muqdisho

Monday August 15, 2011 - 00:37:42
0 Comments
954
Super Admin
Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen uga hadlay ka bixitaankooda Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyo Waxyaabaha ay Damacsanyihiin ama QorshaynayaanAl

Al-Shabaab sheegeen innay badaleen qaabkii ay ula Dagaal-geli jireen Ciidamadda Dowladda KMG ah iyo kuwa Midow-ga Africa ee ku sugan Magaaladda Muqdisho.

Waxaa ay xuseen innay Xoojinayaan Dagaalka ay kula jiraan Ciidamadda AMISOM oo ay ku tilmaameen innay yihiin kuwo Bur-burinaya Shareecadda Islaam-ka.

War-Saxaafadeedka oo ku Qornaa Af-Ingriisi ayay Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ku sheegeen innay AMISOM ka dileen Ciidamo baddan ayna hayaan qaar ka mid ah Meydadkooda.

Al-Shabaab ayaa dhawaan sheegay innay Qaab Cusub oo Dagaal ay uga baxeen qeybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho balse ay wali Dagaalyahanadoodu ku suganyihiin Muqdisho.

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Dalalka Uganda iyo Brundi kuwaasoo ilaaliya Xarumaha Muhiimka ah ee Dowladda KMG ah.

Madaxweyne Shariif iyo Saraakiisha AMISOM ayaa dhawaan qeyla dhaan muujiyay,waxaana ay dalbadeen Ciidamo dheeraad ah oo ay geeyaan goobaha ay Al-Shabaab baneeyeen.

Al-Shabaab oo lala xiriiriyo Dagaalyahanadda Al-Qaa'idda ayaa Gacanta ku haya badi Goboladda Dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.


Burtinletimes

Muqdisho Soomaalia

Related Items


Leave a comment