Madaxweyne Shariif oo caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Tuesday August 16, 2011 - 02:00:28
0 Comments
888
Super Admin
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii saaka uu u dhoofay magaalada Bujumbura ee dalka Brundi, halkaasoo maanta uu kula kulmay Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza

Kulanka Labada Madaxweyne ayay diirada ku saareen xaalada Soomaaliya iyo is bedeladii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka uu ahaa mid ay iskula soo qaadeen taageerada Ciidamada Brundi ee qeybta ka ah AMISOM u fidinayaan Dowladda Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ka dalbaday Dowladda Brundi inay xoojiso taageeradeeda dhinaca ammaanka, iyo xiriirka labada dal, waxaana Madaxweynaha ka codsaday in Ciidamo dheeraad ah u soo diraan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay Ra'iisul wasaare kuxigeenada ahna wasiirada Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saacado un ku joogay Magaalada Bujumbura.

Madaxweyne Shariif ayaa labadii todobaad safaro ku kala bixinayay dalalka geeska Afrika, iyadoo uu booqday dalalka Uganda, Tanzania, iyo horaantii bisha Ramadaan oo uu booqasho ku kala bixiyay Jabuuti, Itoobiya iyo Sudan.

Diyaarad gaar aheyd oo ku buufsaneyd astaanta calanka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha ku safray, taasoo aan si dhab ah loo ogeyn in diyaarada oo ah nuuca Focker-ka ay Dowladda iibsatay iyo in Shirkada laga kireeyay ay si xayeysiis ah ugu buufisay iyo in kale

Wixi war ah kala soco,

xafiiska Moqdisho burtinletimes.com

Burtinletimes@gmail.com

Xigasho Jowhar

Related Items


Leave a comment