Bahweynta Isboortiga Galbeedka magaalada London oo soo saarey qodobo muhiim ah–

Friday August 19, 2011 - 00:59:32
0 Comments
1062
Super Admin
Bahweynta Isboortiga Galbeedka magaalada London oo soo saarey qodobo muhiim ah–
Bahweynta Isboortiga Galbeedka magaalada London oo soo saarey qodobo muhiim ah

Waxaa afur iyo dood wadaag isboorti ku yeeshay galbeedka magaalada London gaar ahaan xaafada Wembley bahweynta isboortiga ee degan xaafadahaas, iyagoo si hufan uga doodayay qaabka isboortiga maanta looga bixin karo madmadoow ku kale dhexjira dadka isboortiga maamula iyo jaaliyada isboortiga dhaxdooda.Waxaana ka soo baxay doodatan turxaan bixin dheer kadib qodobada soo socda:

1. In Qurbajoogta Isboortiga midoobaan si isboortiga Soomaaliyeed loo horumariyo.

2. In odayaasha Isboortiga la heshiisiyo dhaxdooda si ay u noqdaan tusaale wanaagsan oo isku haya bulshada isboortiga ah ee degan dalkaan Ingiriiska.

3. In la siiyo tixgelintooda dadka isboortiga ahaa ee ku nool dalka Soomaaliya, islamarkaana la siiyo xaqa ay ku leeyihiin isboortiga iyo kaalinta ay ka qaadan karaan.

4. In Isboortiga Soomaaliya iyo Qurbajoogta ee maamulada haya la saxo si loo horumariyo isboortiga Soomaaliya oo dhan.

5. In la sameeyo seminaaro lagu wacyi galinaayo dadka isboortiga ah islamarkaana looga wada hadlo madmadoow marka soo baxa si dadka iskugu soo dhawaadaan.

6. In Qurbajoogta Isboortiga oo isku duuban ay ogadaan inay u baahan yihiin dadka ku nool Soomaaliya.

7. In maamul xumada oo dhan jirta la saxo.

8. In dadka xilalka cusub loo soo magacaabey la siiyo fursad ay shaqo ku bilabaan islamarkaana iyagana ay ka fogadaan inay ka shaqeeyaan in bulshada isboortiga soo kale dhexgaliyaan fadqalalo cusub.

9. In Dowlada Soomaaliya loo sheego in aysan dumin markasto markii laga bilaabo howlaha isboortiga Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada.

10. In nidaamkii iyo kale dambeyntii isboortiga la soo celiyo guud ahaan.

11. In Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada iyo GOS/Xiriirada kale ee ka shaqeeya isboortiga inay iskale shaqeeyaan horumarinta isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana laga gudbaa khilafaadka ku saleysan danaha shaqsiga.

12 In isboortiga guud laga qayb galiyo Soomaalida oo dhan, islamarkaana lagu fidiyaa guud ahaan gobalada, degmooyinka, tuulooyinka iyo meel kasto oo ay Soomaali joogto.

13. In tababarada iyo seminaarada isboortiga lagu baahiyo dalka Soomaaliya islamarkaana dadka ehelka isboortiga ah loo soo bandhigo fursadaha jira oo dhan.

14.In la taageero xafiiska Badbaadada isboortiga Soomaaliyeed ee dhawaan laga furey magaalada Muqdisho.

Dood wadaagan isboorti waxaa marti galiyay ganacsadaha isboortiga magaalada London mudane Maxamed Buuwe Muxyadiin, waxaana shir gudoomiye ka ahaa Wasiir ku xigeenkii hore isboortiga iyo dhalinyarada dowladii TNG ahaana Xildhibaan hore mudane Sheikh Cabdi Dheeg, waxaana ka qayb galey doodaan mudanayaasha kale ah:

Mudane Cabdulqaadir Xuseen Bootaan ‘’Isoomareey’’ Odey isboorti Soomaaliyeed ah rug cadaa isboorti, Mudane Axmed Nuur Xasan Cabdulle ku xigeenkii hore XSKC, Mudane Xuseen Abati Abanur ciyaaryahan hore, Mudane Xuseen Aden ‘’Deeq’’ Somaliweek gudoomiye, Mudane Isloow raga hada xilalka loo soo magacaabey XSKC, mudane Ahmed Boorame, mudane Liiban Hersi, Mudane Shirwac Cameraman Holland, mudane Cabdulqadir Maxamed, mudane Cabdisalan Muumin, Mudane Ibrahim, Mudane Daadir Buuwe, Mudane Xabiib Buuwe, mudane Maxamed Buuwe iyo Yyusuf.

Magaalada London ayaa moodaa sidii Bisha Ramadaan u dhalatey inay ka shaqeynayaan sidii loo turxaan bixin lahaa isboortiga dalka iyo Qurbaha si loo horumariyo dhalinyarada iyo isboortiga Soomaaliyeed meel kasto uu joogaan, tilabadaan ayaa noqon karta hadii maskaxda la isticmaalo mid looga gudbo waxyaabo badan oo markii hore la fahansaneyn oo hada aad moodid in la iskaga soo dhawaadey.

Bahweynta isboortiga meel kasto ay joogaan hadii ay wada hadlaan oo wada fariistaan iyagoo danta gaarka ah iyo nin jecleysiga meel la iska dhigo in isboortiga Soomaaliyeed ee afduuban inuu noqon doono mid cagahiisa ku istaago oo ka maarma baryo shisheeye waayo rubac malyan Soomaali ah oo ku nool qurbaha waxay aad u xiiseeyaan isboortiga.

Kadibna waxaa lagu balamey in dadka wanaagsan ee waxtarka ah la isku raadiyo, islamarkaana gudaha iyo dibadaba gacmaha la is qabsado.

W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London


Related Items


Leave a comment