Diyaarad An Duuliye Laheyn Oo Ku Dhcday Muqdisho

Sunday August 21, 2011 - 01:51:58
0 Comments
953
Super Admin
Diyaarad ka mid ah kuw aan Duuliyaha laheyn ee loo yaqaano (Drones) ayaa ku dhacday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,sidda uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Dowladda KMG ah.
Diyaarada ayaa ku bur burtay Guri ku yaala Bartamaha Magaaladda Muqdisho,waxaana iyadoo qeybo u kala jabtay qaaday Ciidamadda Midowga Africa ee Nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ilaa hadda lama oga Dalka laga leeyahay Diyaaradda iyo How-galadda ay fulin-laheyn,balse Maraykanka ayaa horay u sheegtay Diyaaraddo Weeraro ka fuliyay Soomaaliya.

Saraakiil ayaa VOA-dda Laanteedda ku Hadasha Afka Soomaaligga u xaqiijiyay Bur-burka Diyaaradda,waxaana ay xuseen in ay ku dhacday Guri u dhoow Safaaraddii Liibiya ee Soomaaliya Jimcihii Shalay ahaa.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment