Kooxo Dil Ka Gaystay Caawa Magaaladda Gaalkacyo

Tuesday August 23, 2011 - 00:16:16
0 Comments
1151
Super Admin
Kooxo Bastoolado ku Hubaysan ayaa goor dhaweyd Magaaladda Gaalkacyo ku dilay Gudoomiyihii Xaafadda Israac Axmed Cilmi Cismaan ''Gootax'',sidda ay innoo xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.
Marxuum-ka ayaa la dilay xilli uu Salaaddii Maqrab ka soo baxay Masjid ku yaala Xaafaddaas uuna u socday Xaafaddiisa si uu afuro,waxaana goobta Dilku ka dhacay ka baxsaday Kooxihii Dilka gaystay.

ALLE Ha U Naxariistee Axmed Cilmi Cismaan ''Gootax'' ayaa la tilmaamay innuu ahaa Nin aad loo yaqaano Bulshadda Gaalkacyanna ay aad u jeclaayeen,iyadoo haatan Shacabku ay aad uga xumaadeen Dilka loo gaystay.

Ugu dambeyntii Meydka Marxuunka ayaa loo qaaday Dhaxa Meydka ee Isbitaalka Magaaladda Gaalkacyo,waxaana socda baaritaano ay wadaan Ciidamadda Amaanka Gobalka Mudug.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment