Seeful Islaam oo ku Tilmaamay wax kama jiraan qabashada ay sheegeen Mucaradku (Sawiro)

Tuesday August 23, 2011 - 14:30:01
0 Comments
1290
Super Admin
Midka mid ah Wiilasha Madxweynaha Libiya Col. Qadaafi ayaa ka soo muuqday magalada caasimada ee Tripoli Seyful-slaam Qadaafi ayaa sheegay “in ay dowlada laf-dhabarka ka jebiyeen dagaalkii ay mucaaradka halkaan ku soo qaadeen
Isagoo korka ka saaran baabuurta dowlada waxayna goobta aheyd Hotel ay qabteen ciidamada daacada u ah dowlada Libiya kadib markii maalin ka hor ay Mucaaradka sheegteen in ay gacan ku dhigeen.

Wariye u soo waramayey idaacada BBC-da ayaa sheegay in Seyful-Islaam ay ka muuqatay Kalsooni wuxuuna wariyaha sheegay in dagaalka uu dib ugu bilaawday magaalada Tripoli lana maqlayo dhawaqa rasaasta iyo garneelada labada dhinacna ay sheeganayaan in ay inta badan magaalada koontaroolaan.

Maalintii isniinta ciidamada mucaaradka waxay la kulmeen iska caabin xoog leh oo ay kaga imaaneysay ciidamaa Daacada u ah Col Qadaafi.

Hogaamiyaha Mucaaradaka Mustafa Abdul-jaliil ayaa magaalada Banghazi ka sheegay in dagaalyahanadu ay magaalada koontaroolaan 95% ablse wariyaha BBC_da Matthew Price oo ku sugan magaalada Tripoli ayaa sheegayaa in aysan cadeyn cida dagaalka caasimada ku guuleysatay.

Seyful-Islaam Qadaafi ayaa subaxii hore Talaada ka soo muuqday Rixon Hotel halkaasoo wariyayaasha Caalamiga saldhig u ahayd.

Wuxuuna wariyayaasha u sheegey “Waxaanu jebinay laf dhabarka mucaaradka kuwaasoo ku soo dhaqaaqay Tripoli mucaaradaka waxay ku dhaceen tabin waxaan siinay waqti adag waynu Guuleysanay”
Seyful-Islaam Qadaafi oo 39 jir ayaa mucaaradka maalintii Axada ay sheegteen in ay gacanta ku haayaan isaga iyo qaar kale oo qoyskiisa ah.

Xeristiisa waxaa si cad u xaqiijisay maxkamada dembiyada Dagaalka ICC taasoo hore isaga iyo aabahiis iyo madaxii sirdoonka Abdullaahi Allsennusi ku eedeeyey in ay galeen dembiyo dagaal.

Seylful-Islaam ayaa hore u sheegey inuusan isaga waxba ka galin waaranka ay u jartay maxkamada dembiyada dagaalka mar la weydiiyey haddii Madaxweyne Qadaafi uu ku badbaadsan yahay Tripoli ayaa uu ku jawaabay Dabcan “ Waan u tagay aabahey waxaana ugu tagay xaruuntiisa Bab Al_Azizia wuxuuna sheegay inay la jireen sedex wariyaal caasimada annaga ayaa koontaroolno qof walbana waa in ay is dejisaa.

Hogaamiyaha Liibiya Col Qadaafi ayaan la ogeyn meesha uu ku sugan warar diplomaasi oo ay helayso wakaalada wararka ee AFP ayaa u sheegay in weli uu Col Qadaafi ku sugan xaruuntiisa iyadoo mudo bilal aan la arag wallow uu fariimo xaga codka uu soo diraayey.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo Golaha KMG Qaranka Libiya ay magaalada Banghazi ka sheegeen in ay maalinimada Arbacada ay u duuli doonaan magaalada Tripoli si ay u bilaabaan dhisida dowlada Cusub.

Related Items


Leave a comment