Qarax Daqiiqado ka Hor ka Dhacay Galkacyo .

Thursday August 25, 2011 - 05:42:53
0 Comments
1028
Super Admin
Magalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Goor Dhaweyd waxaa ka Dhacay Qarax si weyn looga Dareemay Magaalada .

Waxaana uu ka Dhacay Xaafadda Israac Gaar ahaan Guriga uu Magaalada ka Deganyahay Suldaan C/salaan Hure oo ka mida Saladiinta Gaalkacyo.

Qaraxan oo la Sheegay in uu ahaa nooca Gacanta Laga Hago ayaan Geysan Khasaare Dhimasho Mid Dhawac ee Nafeed Walow La sheegayaa in Dhismahaas uu si weyn u waxyeeleyey.

Suldaan C/salan Hure ayaa ka mid ah isimada sida weyn ugu ololeeya Arrimaha Nabad Gelyadda Guud Gaar ahaan Galkacyo.

Warar Hoose oo ay HelaysoB.T. ayaa Sheegaya in Suldaanka loosoo Diray Fariimo & Hanjabaado Taasi oo aan waxba ka Badalin Qorshihiisa Arimaha Tabarucaadka Ilaalinta Nabadda.

Qaraxaan ayaa ku soo Beegmaya Xilli uu Shalay uu Madaxweynaha Puntland u Magacaabay Galkacyo Maamulka Gobolka & Degmada ee Cusub.

Wixii kasoo Kordha Wararka Danbe ayaan Idinku soo Gudbin.

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho Raxanreeb

Related Items


Leave a comment