War deg deg ah oo hada naga soo garaya Galkacyo ;

Thursday September 01, 2011 - 15:23:54
0 Comments
934
Super Admin
Dagaalkii Magaalada galkacyo ka socday ayaa xilligan aad u sii xoogaystay waxayna rasaastu u wareegtay dhinaca Xaafadaha

Labada dhinac ee wali dagaalamaya ayaa isu adeegsanaya rasaast noocyadeda kala duwan waxaana daryan hubka waaweyn ee dhaca laga maqlayaa daafaha magaalada.

Saxafadaoo hada ku sugan jiida hore ee Dagaalka ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho farabadan oo la soo daad guraynayo, waxay kaloo xaqiijiyeen in madaafiicda waaweyn ee la isu adegsanayo ay ku dhaceen xaafado iyo hoteelo waaweyn.

Wararku waxay xaqiijinayaan in xilligan uu gubayo burbur xoogan soo gaaray Hotel KAAH oo ka mid ah hoteelada ugu waaweyn ee xaafada Garsoor sidoo kalana uu burburay Masaajidka Imaamu shaafici oo aan sidaas uga fogayn hotelkan kuna yaala xaafada Garsoor ee Magaalada gaalkacyo.

Rasaasta qaarkeed waxay ka dhacaysaa dhabarka dambe ee Daarta Dahabshiil iyo agagaarka Hotel Kamaaludiin, halka dagaalka intiisii badnaydna uu ka soconayo Suuqa weyn ee magaalada sidoo kalana lagu sii siqayo dhinaca dambe ee suuqa oo ay maleeshiyadu dib ugu guratay.

Xaafada garsoor waxaa la sheegayaa in ay gaareen guutooyin farabadan oo ka tirsan Ciidamada Dawlada islamarkaana ay aagag ka xirteen xaafadaasi.

Dhinaca kale Agaasimaha Isbitaalka Woqooyi ee magaalada gaalkacyo oo isagoo aad u mashquulsan ay warbaahinta gurmad la xiriirtay wuxuu sheegay in uu jiro dhaawac tobaneeya ah oo xilliyadii ugu dambeeyay isbitaalka la keenay sidoo kalana dhaawacyo toboneeya ah ayaa la geeyay Isbitaalka GMC ee dhagacade loo yaqaano.

Guud ahaan Xaalada Magaalada gaalkacyo ayaa maanta aad u kacsan waxaana jira cabsi ay dadweynuhu ka qabaan in dagaalkani uu qaboobi waayo, rasaasta wiiftada ah ayaa wali ku dhacaysa xaafada magaalada taas oo laga cabsi qabo in ay khasaare weyn keento.

Xigasho Gurmad

Related Items


Leave a comment