Muqdisho; Madaweyne Faroole oo Muqdisho soo gaaray

Sunday September 04, 2011 - 16:42:58
0 Comments
966
Super Admin
Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Sh.Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa duhurnimadii maanta ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan cade ee Muqdisho madaxda sar sare ee Soomaaliya sida Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iiusulwasaaraha.

Wafdiga Madaxweyne Faroole ayaa markii lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha waxaa ay si toos ah u abareen madasha shirka wada tashiga ee Xarunta Baarlamaanka halkaasoo ay uga sii horeeyeen ergooyin Puntlanmd ka socday kuwasoo shalay soo gaaray Muqdisho.

Madaxweyna Puntland wixii war ah ee saxaafada siiyo wararkeena danbe ayaad kaga bogan doontaan inshaa Allaah.

Dhanka kale waxaa isna maanta muqdisho soo gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug kaasoo isna abaaray madasha shirka markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cade daqiiqado kadib markii Madaxweyne Faroole yimid.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment