Beelaha Lelkase iyo Awrtable oo kulan kuwada yeeshay Hotel Cagaarweyne

Monday September 12, 2011 - 23:00:06
4 Comments
3501
Super Admin
Taariikhdu markay ahayd Sept 10, 2011 ayaa Hotel Cagaarweyne ee xaafada Garsoor Magaalada Galkacyo kulan ku wada yeeshay Beesha Yuusuf Daarood iyo Beesha Tanade Daarood, kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd Tacsiyeen iyo samirsiin wixii kasoo gaaray dagaaladii horaanta bishaan ku dhex maray xaafada Garsoor ciidanka Puntland iyo Beesha tanade daarood.

Ergada Beesha Yuusuf Daarood ayaa waxaa hogaaminayay Suldanka beesha Suldan Maxamed Axmed Cabdulle iyo Gudi kale oo ka kooban, Nabadoono, Samadoono, Aqoonyahan, Ganacsato, Culumo udiin iyo Ururka Aaya Katalis oo agaasinka iyo qaban qaabada hoosha horumuud ka ahaa.

Dhanka Beesha Tanade oo lagu booqday Hooygooda ayaa waxaa fadhiga qaban qaabiyay Ugaaska Beesha Tanade Daarood Ugaas Cali Ugaas Maxamed iyo wax garadka beesha, Salaan kadib waxaa ay beesha Yusuf Daarood u sheegta Tanade Daarood in ay ka xunyihin, kana tacsiyeenayaan wixii ka dhacay guryahooda, ay aadna ooga damqadeen, ugana soo socdaaleen Nugaal sidii ay xaajada u gali lahaayeen, kana codsanayaan inaysan dhib danbe dhicin.

Guud ahaan shirka ayaa kusoo gaba gaboobay Marxabeen iyo is afgarad, waxaana ay beesha tanade codsatay inay diyaar u tahay soo noolaynta ururkii SNDU kulamo gaar ahna laga yeesho is xulufaysigii hore iyo qaabkii loosoo nooleyn lahaa wada jirkii labada beelood looga arinsado.

Sawirada Shirka hoos ka dheeho:




Abdullahi Ahmed Adan (Budhug)
Galkacyo, Somalia

Related Items

Comments


Leave a comment