Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Neeyroobi ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 120-Qof

Tuesday September 13, 2011 - 01:13:54
0 Comments
2675
Super Admin
Caasimada dalka Kenya Magaalada Neeyroobi waxaa ka dhacay Qarax xoogan oo dad badan eey ku la´deen. Qaraxaan oo inta badan magaalada Qeeybaheeda kala duwan laga maqlay ayaa waxa uu martay nolasha in ka badan 120-Qofood.

Isbitaalada Neeyroobi ayaa waxeey la ciir ciirayaan Dhaawacyadii laga soo daabulay goobta Qaraxa uu ka dhacay waxaana u badan dadka la soo gaarsiiyey goobaha caafimaadka dad si weeyn ugu soo gubtay Qaraxaas baaxada weeyn.

Waxaa la xiray dhamaan Dhaq dhaqaaqii aaga uu Qaraxa ka dhaxay waxaa socota baaris weeyn oo lagula dhaqaaqay sababta keentay Qaraxaas dhimashada badan dhaliyey. Dhimashada ayaa intaas ka sii badan karta maxaa yeelay waxaa aad u badan dhaawacyada halista ah ee la soo gaarsiiyey goobaha Caafimaadka.
Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Goob Shidaal oo ku taal magaalada Neeyroobi. Sanadkii hore ayeey eheed markii Waqooyiga dalka Keenya uu ka dhacay Qarax midkaan la mid ah waxaana xiligaas ku naf weeysay in ka badan 122-Qof.

Related Items


Leave a comment