Wafdi ka socda Ahlusunna oo uu hogaaminayo Shiikh Maxamed Aw-libaax oo Denmark uga qeybgalaya shir caalami ah.–

Thursday September 29, 2011 - 02:51:26
0 Comments
1112
Super Admin
Shiikh Maxamed Yusuf Aw-libaax oo ah gudoomiyaha Ahlunnada koonfur galbeed ee Somaliya xaruntiisuna ay tahay magaallada Doolow ayaa soo gaaray caasimada dalka Denmar ee Copenhegan,halkaasi oo lagu wado inay uga qeybgalaan isaga iyo xubnaha la socda ee matalaya Ahlusuunna shir looga hadlayo arimaha somaliya.
Shirka ka furmaya caasimada Denmark ayaa waxaa isugu imaanaya oo lagu casumay qaarka mid ah garabyada isku haya siyaasada Somaliya,sida Dowlada Somaliya,Puntland iyo urur diimeedka hada yeeshay garabka siyasaada ee Ahlusunna Waljameeca.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiye Aw-libaax qaar ka mid ah dadweynaha degan Magaallada Copenhegan,kuwaasi oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Hay'adda Marcey Rehabilitation and Development,Col, Bashiir Xuseen Jamac Gari,Xildhibaan Faysal Maxamed Xirsi.
Shiikh Maxamed Aw-libaax ayaa marka uu usoo dhamaado shirka looga hadlayo arimaha Somaliya waxa uu la kulmi doonaa jaaliyada somaliyeed ee Denmark iyo taageerayaasha ururka Ahlusuna Waljameeca,isagoo la filayo inuu socdaal ku kala bixiyo dalalka ay ka mid yihiin Swedan iyo Holland.
Guddoomiyaha Ahlusunnada koonfur galbeed ee Somaliya Shiikh Aw-libaax ayaa horey uga mid ahaa madaxdii siyaasada somalida ee shirka isugu yimid Muqdisho kuna gaaray hishiiska hordhaca ah ee loo madlan yahay inuu wajigiisa labaad ka dhaco magaallada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Waa markii ugu horeysay oo shir caalami ah oo ka dhacaya qaarada Yurub lagu casumo ururka Ahlusunna Waljameeca,waxaana tani ay muujineysa sida uu ururka ahlusunna ula saanqaaday saaxada siyaasada Somaliya.

Related Items


Leave a comment