R/wasaaraja Somalia oo Khudbad ka jeediyey Shirka ICC

Friday September 30, 2011 - 01:24:56
0 Comments
798
Super Admin
Waxaa maanta magaalada Copenhagen ee dalka denmark si rasmi ah uga furmay Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga Soomaaliya International Contact Group kaasoo ay ka qeybgalayaan Madax ka tirsan Dowlada KMG ah Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Dalka.

Shirkaani oo ah kii 20aad ee qabsooma islamarkaana si gaar ah looga hadlayay xaalada Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.aadan sidoo kale ergooyin ka socda Puntland iyo Somaliland Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ka qeybqaadanaya.

Wararka shirkaani ka soo baxaya ayaa sheegaya in waxa ugu weyn ee looga hadlayo ay tahay sidii loo dhaqan gelin lahaa shirkii wadatashiga ee dhawaan Muqdisho ku qabsoomay kaasoo dhinacyada Soomaalida qaarkood heshiisyo ku gaareen.

Dalal badan oo qaarkood reer Yurub yihiin islamarkaana xubno ka ah International Contact Group ayaa ka qeybqaadanaya shirkaani waxaana lagu wadaa in warmurtiyeed uu ka soo baxo marka la soo gabagabeeyo.

Shirarka maanta oo khamiis ah furmay waxaa shir gudoominaya Augostine Mahiga oo ah ergeyga qaramada Midoobe ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya,wixii ka soo baxa shirkaani waxaad kaga bogan doontaan wararkeena danbe Inshaa Allaah.

BuurtinleTimes@gmail.com

Xigasho Kismaayo24

Related Items


Leave a comment