Ahllu Sunnada Gobolada dhexe oo sheegtay in ay awoodii Al-shabaab wiiqantay

Sunday October 02, 2011 - 15:09:09
0 Comments
2071
Super Admin
EHLU SUNADA GOBOLADA DHEXE AYAA SHEEGAY IN SHABAABKA AWODOODA Ay WIIQANTAY

Dhuusamareeb: Maamulka Ahlu Sunna Waljamaca ee gobolada dhexe ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay wadi waayeen dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya.

Prof: Xirse Labo Garre oo ah gudoomiyaha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaaladii maalmihii u dambeeyay Ciidamada AL Shabaab ay ka wadeen gobolada dalka, isagoo sheegay in xilligaani ay wiiqantay inta badan awooddii Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in markii Al Shabaab ay wadi waayeen dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay bilaabeen inay iska horkeenaan beelo Soomaaliyeed oo ku sugan gobolada ay ka taliyaan Al Shabaab oo uu xusay in dhibaatooyin kala duwan ay ku hayaan shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Prof: Xirse Labo Garre su’aal aheyd sida Maamulkoodu ay u arkaan diyaarad la sheegay in duqeyn ay ka gaysatay degmada Ceel-buur ee obolka Galgaduud ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkooda arimahaasi uusan waxba kala socon hase ahaatee go’aanka arrimahaasi ay leedahay Dowladda KMG Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dagaal qasaaro gaystay waxa ay ka dhacayeen qaar ka mid ah gobolada Jubooyinka, iyadoo ay xusid mudantahay in diyaarado aan cidna wadin la tilmaamay inay duqeymo ka gaysteen Degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment