Boob Loo Gaysatay Dadka Barakacayaasha Ee Ku Sugan Xeryaha yaalla Magaalada Mudisho

Monday October 03, 2011 - 19:48:46
0 Comments
841
Super Admin
Waxaa sii kordhaya boobka lagula kacayo qoysaska barakacayasha ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho Ayaa Waxaa uu ka Noqday Mid Aysan Layaabin, iyadoo dhinaca kale qaylo dhaan dhinaca Nolosha ah ay kasoo yeerayso qoysaska barakacayasha ah ee ku sugan Xerada bad-baado 2- Oo ka Mida Xeryaha Ku Yaala Gudaha Muqdisho.

Iyadoo wali ay soo kordhayso Boobka loo gaysanayo gar-gaarka soo gaaraya Dadka Dhibaateeysan Ee Ku Nool Wadanka Soomaaliya Oo loogu talagalay In dadkaas dhibaatada saameysay Ee abaaraha Ah ee ka Jirta Intabadan Wadanka Soomaaliya Ay kaga Baxaan Raashinkaasi Gaar'ahaan Gobolada Konfureed Ee Wadanka, ayaa dhacadadii ugu dambeysay maanta lagu boobay Raashin waxa ayna ka dhacday Xero ku taalla nawaaxiga Airpotka Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkii maanta laga boobay raashinka gar-gaarka ah Ayaa la hadlay Warbaahinta Qabaheeda Kala Gedisan waxa ay sheegeen in rag ku labisan dareeska Ciidamada Dowlada ay dhac baahsan u gayteen raashin loo qeybiyay, iyagoo tilmaamay in rasas Ciidamadaasi ay Ku fureen qasaaro ay kasoo gaartay qaar ka mid ah Dadkii Barakacayaasha Ahaa Ee ku sugnaa goobta wax lagu qeybiniyay Oo Ahayd Xero Qaxooti Ku Taala Agagaarka Airpotka U Dhaw .

Marka laga soo tago boobkaani loo gaystay dadkaani barakacayasha ah ayaa hadana waxaa dhibaato aad u adag ay haysataa qoysas Barakacayaal ah oo ku nool Xerada Bad-baado labo oo ku taalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inaysan helin wax Gar-gaar ah, waxaana ay ka codsadeen Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan kuwooda wax Haysta In Ay Gargaar La Soo Gaaraan.

Tan iyo markii abaaraha baahsan ku dhufteen Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa jiray qoysas aad u farabadan oo kasoo Tagay Deegaanadoodii Ay Deganaayeen Gaar'ahaan Gobolada Dalka kuwaasi oo hal mar si Aan Caadi Ahayn usoo Gaaray Muqdisho,iyadoo Marba Marka Ka Danbeeysa Sidii Daadkii Oo kale ugu soo Qulqulaya Xerooyinka Ku Yaalla Caasimada Muqdisho Dadkaas Waxaa Intaas U Dheer In dhibaatooyin Ay u Gaystaan Askar Katirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment