Faadumo Qaasim Hillawle oo maantay ku geeriyootay (London )

Thursday October 06, 2011 - 23:13:28
0 Comments
1337
Super Admin
Allaha Janadii ka waraabiyee fanaanadii caanka ahayd ee somaliyeed Faaduma qaasim hilowle ayaa manta ku geeriyotay Magaalada London ee Wadanka Britain, fanaanadan oo ahayd hooyo faneed oo uu siweyn u tabi doono fanka somaliyeede ayaa ku caan baxday inay ku luuqayso heeso aad u cajiib iyadoo caan ka ahayd dalal faro badan oo k baxsan degaanada ay somalidu degto,

Fanaanada ayaa la sheegay inay maanta si kadisa ah ugu geeriyotay isbitaal ku yaala magaaladda London waxaana goobtii ay ku geeriyotay ku qul-qulaaya boqolaal qof oo somaliyeed si ay ugu so tacsiyeeyaan eheladii ay ka geeriyotay oo ay kamid yihiin caruuteeda sida maxamed karaama, caasha karaama iyo kuwa kale oo kamid eheladeeda,

Faduuma qaasim ayaa la sheega inay fanka ku soo biidhay 1945 iyadoo inta badan ku caan baxday inay ku luuqayso heesaha Banaadiriga ah,waxaana kamid ahaa heesihii ay ku luuqayn jirtay, heesta wadaniga ah ee Dalkeygow, Xabiibi, Qeys iyo Layla, Aniga Calafkey iyo kuwa kale oo aad u fara badan, fanaanadan ayaa ahayd fanaanad ka soo jeeda qoys faneed iyadoo aabeheed qaasim hilowle uu ahaa mid kamid ah fanaaniintii ugu horeeyey fanka somaliyeed ahaana fanaan aad ugu ah degaanada somalida isagoo qaaday heeso wadani ah oo ku caan baxay dhulka somalida,

Waxaa xaqiiq ah inuu fanka somaliyeed uu tabi doono allaha janadii ka waraabiye fanaad faaduma qaasim oo lagu naanaysi jiray faynuuskii fanka somalida, waxaana illaa maanta u tacsiyeynaayey boqlaal fanaan o somaliyeed iyo waliba somalida kale ee codkeeda aadka u jeclaa.

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHAY RAAJUCUUN:-

KULU NAFSI DAA’IQATUL MAWT .

burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment