Sedex ruux oo ku geeriyootay qarax miino oo ka dhacay magaalada bosaaso

Tuesday January 23, 2024 - 17:30:32
0 Comments
68
ahmed raajaa
BOSAASO
Qarax miino ayaa galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida la sheegay saddex ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa waxaana ku dhaawacantay 6-qof sida ay xaqiijiyeen dad goobta ka dhawaa.

Qaraxaas ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay oo ka dhacay meherad jaadka lagu cuno oo ku taalla xaafadda Tuurta ee dhinaca bari magaalada Boosaaso.

Ciidamada police-ka Puntland weli faah faahin kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa mana jiraan cid sheegatay in ay ka danbeeysay qaraxaasi marka laga tako kutiri kuteenta.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment