Colaadii Magaalada Gaalkacyo ayaa La soo Af Jaray Shacabkii ku dhaqnaa xaafada Garsoor oo soo Dhaweeyay

Tuesday October 18, 2011 - 11:42:45
0 Comments
1033
Super Admin
Colaadii Magaalada Gaalkacyo ayaa La soo Af Jaray Shacabkii ku dhaqnaa xaafada Garsoor oo soo Dhaweeyay

Wafuud kala Gedesan oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa waxaa ay kulamo la Qaaeen Maamulka Gobolka Iyo Mas,uuliyiin iyo Wax Garad Ka tirsan Beesha Leelkase oo Dhawaan dagaal ku Dhexmaray Xaafada Garsoor,puntlad.

ila Wareedyo Lagu kalsoonyahay Ayaa Burtinletimes U Xaqiijiyay In Is Afgarad iyo Jawi Wanaagsan Ay ku dhamaatay Xaaladii Ka oogneeyd Magaalada Gaalkacyo Gaar'ahaan Xaafadaas Garsoor.

Waxaana Durba Laga Dareemay Gaalkacyo Ifafaalaha Nabada Lagaaray Waloow Hadana Aysan Shaqa Tagin Shaqaalihii Ka Howl-gali jiray Kastamka koonfureed Ee magaalada Gaalkacyo Halkaasi oo ay taalay Bar-kontorol aheeyd.

Heshiiskaan Ayaa Muddo aad udheer waxaa u joogay gaalkacyo Isimo ,Nabadoono iyo War-garad kale oo Dhamaantood ku Abtirsada Beesha Daarood Si Xal Waara Looga Gaari lahaa Mashaqadaas Xanuunka Kulul.

Sikastaba Ha,ahaatee Isimadii Halkaan U Yimid Xalinta Colaadan oo aad u Farabadnaa Kana kala yimid Daafaha aduunka, Ayaa Waxaa Kamid Ahaa Suldaan Maxamed Axmed Cabdille Oo Ahaa Suldaanka Beesha Yusuf Daarood Ama Hadaan Sikale u Dhigo Awrtable oo Ay weheliyaan Xubno Nabadoono iyo Wax-gard kale ah,Aakhirkiina ku Guulaystay Dhamaynta Colaadaasi.

Axmedkhadar max'ed Cumar


Burtinletimes.com

Gaalkacyo,somaaliya

Related Items


Leave a comment