Bahda Sportiga Mudug oo soo dhawaysay Koobkii Ciyaaraha ee hirda Amsterdam Futsal Tornament 2011–

Friday December 30, 2011 - 01:46:25
0 Comments
1697
Super Admin
Iyadoo Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland dhawaan lagu soogabgabeeyay Koobkii Ciyaaraha hirda Amsterdam Futsal Tornament 2011 ooay ka qaybgalay 24 kooxod oo ka kala yimid wadamada caalamka sidaBritian, Norwey, switzerland iyo Nederlands islamarkaana ay goob joogahaayeen Inkabadan 6000 oo taageerayaal ah ayaa Koobkaasi waxaa soodhaweeyay kana mahadceliyay bahda Sportiga ee Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Naadiga COMSED Cabdiqani khaalif Carabey ayaa Koobkani ku
tilmaamay mid dhiirigalinaya horumarka Bulshada Soomaaliyeed gaar
ahaana bahda Sportiga, wuxuuna mahadcelin balaaran u jeediyay hay'adda
hirda oo tartan u qabatay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Naadiga COMSED Cabdiqani khaalif Carabey ayaa Taageero
balaaran oo uu ku matalayo bahda Sportiga Gobolka Mudug u muujiyay
Koobkan iyo Cidda soo qabanqaabisay, wuxuuna iftiinshay hawsha
wanagsaan ee ay bulshada soomaaliyeed uu hayso hay'adda hirda taas oo
ah mid la isugu keenayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah,
si loo wanaajiyo XiriirGuddoomiyaha Naadiga COMSED Cabdiqani khaalif
Carabey ayaa si gaar ah ugu mahaceliyay Martisharafka Koobkan oo ay ka
mid yihiin Laacibiin Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad magac iyo maamuusba
ku leh Ciyaaraha Soomaaliyeed, wuxuuna guddoomiyuhu yiri " Waxaan u
mahadcelinayaa, Farxada ay dareemayaana aan la qaybsanayaa Bahweynta
Ciyaaraha Soomaaliyeed hormuudka u ah oo ay ku jiraan Laacibiinta
MAXAMED ISMAACIL, MACALIN XASAN FARAX JOHN, FIFA GARSOOR : CABDULQADIR
CADAAY , MAXAMUD BUUBE , SAACID CUMAR GEEDI, CABDI DHAGEEY ,
CABDUQADIR MAXAMUD FARAX BIRIQ, OMAR CANJEERO, C/NAASIR SACIID SEEF,
MACALIN LAASKA , MACALIN GANEY, KABTANKA XULKA QARANKA SOOMAALIYA
CIISE AADAN ABSHIR, AWEYS CALI , XUUSEN ABANUR ABATI, ABUUKAR C/NUUR,
FU'AAD OSMAAN MR YUUSUF".

Guddoomiyaha Naadiga COMSED Cabdiqani khaalif Carabey ayaa mahad gaar
ah u diray agaasimaha hay'adda hirda Marwo Fadumo Faarax sida ay ugu
heelantahay dhismaha bulshada iyo isu keenida dhalinyarada
Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda.

Hadalka Guddoomiyaha Naadiga COMSED Cabdiqani khaalif Carabey ayaa ku
soo beegmaya xilli 26-kii bishan Magaalada Amsterdam ee Dalka Holland
lagu soo gabgabeeyay Koobkii Ciyaaraha hirda Amsterdam Futsal
Tornament 2011 oo ay ka qaybgaleen 24 Kooxood oo matalayay Qurbajoogta
Soomaaliyeed.
ka Mujtamaga qurbaha joogta ah ee soomaaliyeed loona badiyo isdhexgalkooda.

DIYAARIYE CUMAR YARE

Wabilaahi Towfiq

Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )

Tel: +25290621638

Galkayo Somalia

Related Items


Leave a comment