Ugaas Cumar Geelle Mohamed oo u tacsiyeey Geeridii ku Timid Beel Daajiye Farax Beel daajiye

Wednesday April 11, 2012 - 04:18:45
1 Comments
1890
Super Admin
Waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh ka diraya Ugaas Cumar Geele Mohamed Ugaaska guud ee beesha Yusuf Daarood oo ka mid ah Isimada Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland. Ugaas Cumar geele Mohamed wuxuu ka tacsiyeynayaa Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle naxariistii janno ha siiyee Marxuum Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed oo ku geeriyooday Isbitaal weyn oo ku yaalla magaalada Al-ceyn ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE). Ugaasku wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland, qoyskii, ehelkii iyo qaraabaddii uu ka geeriyooday Alle naxariistii janno ha siiyee Marxuum Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed wuxuu Alle uga baryayaa in uu Marxuumka Jannatul Firdawsa geeyo intii ehel ahayd ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan uu Alle ka siiyo, badal kheyr qabana uu Alle ugu badalo. Ugu dambeyn Ugaas Cumar Geelle Mohamed ayaa mawtaatkii dhintay Alle uga baryey dambi dhaaf iyo janadiisa qaaliga ah, wuxuuna dardaaran u diray dhammaan ummada Islaamka ah ee Soomaaliyeed isagoo kula dardaarmay cabsida Alle iyo in ay u sahay qaataan maalinta Aakhiro, qof walbana uu dhadhamin doono dhimashada, geeriduna ay tahay xaq. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. W/Q Abdihakim Abdi

Related Items

Comments


Leave a comment