Duqa magaalada Istanbuul oo hadiyad gudoonsiyaay Duqa Muqdisho

Friday May 11, 2012 - 12:01:16
0 Comments
996
Super Admin
Stanbuul-,Jimco- 101May, 2012. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dhiggiisa magaalada Istanbul la qaatay kulan looga hadlay Mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul, iyo wada shaqeynta shacabka Labada magaalo.

Xoghayaha Labaad ee Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga C/qaadir Maxamed Jaamac oo Radio Muqdisho Qadka Teleefoonka kula hadlay ayaa sheegay n guddomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” uu kulan la qaatay dhiggiisa Istanbul, kaas oo ay uga wada hadleen, mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul iyo sidii loo heli lahaa naqshada dhismaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale xog hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa tilmaamay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu u mahad celiyay dhiggiisa Istanbul, isagoo sheegay in Muqdisho ay xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya Istanbul, maadaama shacabka labada magaalo yihiin dad uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.

C/qaadir Maxamed Jaamac ayaa xusay in Duqa Istanbul uu ballan qaaday in magaaladiisa ay gacan weyn ka geysaneyso dhismaha magaalada Muqdisho iyo sidii ay magaalooyinkaasi loo mataaneyn lahaa naqshada dhismaha, maadaama hadda ay Muqdisho ka socdaan Horumarro xagga dhismaha ah.

Ugu dambeyntii kulan ay wada qaateen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Istanbul ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa waxa uu uu ku soo gabagaboobay sidii loo qorsheeyay, iyadoo ay masuuliyiintaasina booqasho ku tageen goobaha taariikhiga ah ee ku yaalla magaalada Istanbul oo ka mid ah caasimaddaha ugu waa weyn dalalka Yurub.

Related Items


Leave a comment