Dowlada Yemen oo sheegeytey in ay soo musaafurin doonto Muwaadiniin somali ah.

Thursday August 30, 2012 - 00:19:29
0 Comments
2018
Super Admin
Calanka Yeman
Calanka Yeman

War saxafadeed laga soo saaray Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Yemen ayaa lagu sheegay in dowladda Yemen ay dalkeeda kasoo musaafurin doonto Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Muwadiniintaani ayaa la sheegay inay garayaan illa iyo 209-muwaadin oo ku kala nool gobolada uu ka kooban yahay Dalka Yemen.

Dowladda Yeman ayaa tibaaxday in dadka laga masaafurinaayo aysan ahayn oo kaliya Soomaaliya, hase ahaatee ay isugu jiraan dad ka kala imaaday dhamaanba dalalka ku yaalla qaradaha Caalamka kuwaasi oo garaaya 1944-ruux oo ku kala nool gobolada uu ka kooban yahay dalka Yemen.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Yeman ayaa xusay in masaafurinta ajanibtaani ku sugan dalka Yeman ay ka dambaysay kaddib markii khal khal ay galiyeen ammaanka islamarkaana ay ku xad gudbeen Qawaniinta iyo shuruucda uu leeyahay dalka Yemen.

Shacabka Somaliyeed ayaa doorbiday inay nolol uu raadsadaan dalalka dariska la'ah Somalia oo ay kamid tahay Yeman kadib markay burburtay Dawladii dhexe ee wadanka mudo laga joogo 21 sano. Arinkan ayey ku dhawaaqday Dawlada Yeman ayaa kusoo aadaya xilli ay Somaliya kabaxayso nidaamkii kumeel gaarka ahaa ee mudada soo socday.

Related Items


Leave a comment