Real Madrid dubatay Barcelona kuna guulaysatay koobka sare ee Spain.

Thursday August 30, 2012 - 21:56:33
0 Comments
2708
Super Admin
Kooxda Real ayaa mar kale dhinacooda dhulka dhigtay kooxdii la loodin waayey ee Barcelona ka dib markii ay xalay lugtii labaad ee koobka sare ee dalka Spain oo ka dhacay magaalada Madrid ay 2-1 ku suuldaartay kooasoo ka dhigay tirsiga guud ee goolasha 4-4 balse ay sharciga loo yaqaan goolasha dibadda ay kooxda Real ku hanatay koobkan.

Cayaaryahanada Ronaldo iyo Higuain ayaa u kala dhaliyey labada gool oo ay guushii xalay ku hanteen halka uu goolka kaliya ee ay heshay kooxda Barcelonana uu u saxiixay xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi.


Cayaartan oo aad uga kululayd tii hore kooxda Barcelonana ay u muuqatay koox kale lana soo galeen caro iyo isxakamayn yaraan ayaa waxaa ay sababtay in cayaartoy badani ka qaataan jaale halka cayaaryahan Adrianana laga saaray cayaarta mar ay ku dhawayd xiliga cayaartu socotay saacad waxaana dad badani tilmaameen xiligaasi ka dib in soo noqshada Barcelona adkaan doonto.

Inkastoo qaybtii labaad ee cayaarta ay Barcelona la soo laabatay isbadal iyo cayaartii lagu yaqiin ayaan hadana u suuragelin in ay soo gudaan guud ahaan goolashii labada ahaa wallow uu cayaaryahan Messi dib u soo celiyey rajada taageerayaasha iyo kooxdaba ka dib markii uu kubad laadka xorta ah si cajiib ah ugu saxiixay kooxdiisa.

Cayaartan xalay oo hordhac u ahayd tartanka laga filan karo labadan kooxood tartamada dalka Spain ee sanad cayaareedkan ayaa waxaa laga dareemay kooxda Barcelona hoos u dhac dhinaca daafaca ah taasoo yididiilo gelisay kooxda Real inkastoo aan hal cayaar lagu qiimayn Karin daafaca kooxda Barcelona oo uu xalay ka dhaawacmay Dani Alves taasoo ku qasbtay macalinka cusub ee Barca Tito Vilanova in uu isku dhafo daafaciisa.

Dhinaca kale weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa xalay mar kale jabiyey rikoorkii kooxda Barcelona ee cayaaryahankii dhaliyey goolashii ugu badnaa cayaaraha loo yaqaan Clasico oo ah kuwa ay labadan kooxood ee Raela iyo Barcelona isaga hortagaan kaasoo uu horey u haystay cayaaryahankii Cezar Rodriguez, wuxuuna isku darka cayaarihii uu uga hortagay Real dhaliyeygoolal dhan 15 gool.

Rikoorka guud ee labada kooxood ayaa waxaa haystaweeraryahankii hore ee kooxda Real Madrid una dhashay dalka Argentine Alfredo Di Stefano kaasoo cayaarahan Clasico ka dhaliyey sanadihii 60 meeyadii goolal dhan 18 gool, waxaana la iswaydiinayaa Messi ma ku dari doonaa rikoorkan?

Source: Cayaaraha

Related Items


Leave a comment