Masaajidka Al-Hudaa ee Finland oo si adag uga jawaabay Filim lagu durayo Islaamka iyo Soomaalida.

Sunday November 25, 2012 - 21:48:05
0 Comments
2566
Super Admin

aalinimadii isniinta oo ay taariikhdu ahayd 19.11.2012 ayaa kanaalka koowaad ee Tv-ga dalkan finland waxaa laga sii daayay barnaamij lagu ceebeynayo diinta islaamka iyo Soomaalida. Barnaamijkaas oo si toos ah loogu weerarayay markazka islaamiga ah ee ugu wayn dalkan Finland ee Helsinki Islamic Center (Masjid Alhudaa) iyo ururka ku hadla magaca danaha Soomaaliyeed ee la yiraahdo Somaliliitto, ayaa waxyaabihii lagu bilaabay barnaamijka waxaa ay ahayd qof tukanaya iyo gabar xijaaban.

La yaab ma leh in barnaamij lagu caynayo islaamka laga sii daayo telefishinada reer galbeedka, balse waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ka yaabisay in dadka barnaamijka jilayay amaba soo diyaariyay ay ahaayeen dad sheeganaya in ay yihiin Soomaali haysata dhalashada Finishka, kana welwelsan in xagjirnimada iyo asalraacnimada Islaamku (waa sida ay hadalka u dhigeene) ay ku soo badanayso dalkan Finland.. Dadkaas oo qaarkood la yaqaano , qaarna ay qarsoon yihiin ayaa waxay isku magacaabeen in ay yihiin ” Active Group “. ka welwelsan xaaladda amaanka ee dalkan Finland oo sida ay sheeganayaan ay joogaan dad khatar ku ah arinkaas. Nin ragaas ka mid ah oo wajiga loo qariyay codkana loo bedelay ayaa inta la soo fariisiyay istuudiyaha wuxuu ka markhaati kacay in Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan dalkan Finland ay yihiin kuwo duf ku baxay oo aan nolosha addun iyo mid aakhiro toona ku fiicnayn. Wuxuuna sheegay ninkaasi in haddii uu wajigiisa muujiyo uu ka baqayo in kooxdaasi asal raaca ahi ay dilaan.

Barnaamijku muxuu faa’iideeyay , sideese u arkeen dadka ku dhaqan wadankan?

Dadka ku dhaqa wadankan , qaybta dowladda iyo dadka wax garadka ahi waxay u arkeen inuu ahaa barnaamij cadaaladda ka fog oo loogu talagalay in lagu ceebeeyo islaamka iyo Soomaalida. Qaarkood waxay sheegeen inuu ahaa wax xaqiiqda ka fog waayo 30 daqiiqo ayuu soconayay, waxaana lagu sheegay cay iyo aflagaadooyin aan lagu soo koobi karin muddo yar. Wuxuu barnaamijku ku bilowday qof tukanaya iyo gabar xijaaban, labadaasina ma ahan bay dhaheen qaarkood wax xagjirnimo ah ee waa asaaska islaamka.

Waxaa barnaamijka ka faa’iidaystay kooxaha mabda’a cunsuriyada taageersan oo horeba kaga dhawaaqay in Soomaalida laga saaro wadanka. Kooxahaasi fikrada ajnabi nacaybka qabaana waa isugu mid kuwa soo diyaariyay barnaamijkan iyo Soomaalidii kale ee lagu caynayay barnaamijkaba.

Haddaba markazka Alhudaa ayaa gacanta ku dhigay dokumitni sir ah oo kooxdaasi ay diyaarisay sanadkii 2010ka loona qaybiyay dhammaan wasaaradaha dalkan Finland, islamarkaana ka gadmi waayay dalkan gudihiisa, waayo dalkan Finland waa dal ay cadaaladu ka shaqayso oo wax cad mooyaane aan cidna wax laga beenabuurto lagula dhaqmayn.

Waa kan jawaabtii uu markazku ka bixiyay arimahaas lagu sheegay barnaamijkaas Tv-ga laga sii daayay, iyo ujeedada kooxdaasi soomalida sheeganaysa waxa ay tahay, goorta ay bilaabeen howsha iyo sida ay filimkan u jileenba.

Hoos ka Daawo warbixinta Masjidka iyo qaabkii ay uga hadleen been abuurka laga faafiyey Masjidka iyo Soomaalida


Waxaa soo diyaariyay Abdirazak Sugulle Mohamed

abdirazaks@hotmail.com

Related Items


Leave a comment