Xildh Sacdiya Carays oo kullan Casho Sharaf iyo soo dhawayn ay u sameeyey BYD-Bosaso (Daawo Sawiro)

Wednesday February 06, 2013 - 17:45:37
1 Comments
2427
Super Admin
Xaflad Lagu Maamuzayo Soo Dhawaynta Xildhibanada Marwo Sacdiyo Abwaan Carays Ciise kaarshe ayaa ka dhacday Hoolka Wayn ee Amal Plaza ee Bosaso taas oo ay soo qabanqaabiyey Bulshada BYD —Bosaso.

Abaare 6:45 Maqribnimo Xiliga geeska Africa waxaa Xarunta Hoolka wayn ee Amal soo Gaartay Xildhibaanad Sacdiya CaraysKaarshe oo ah Xubin ka tirsan Baarlamka Dowlada Federal Somalia oo halkaas ay ku marti qaadeen Bulshada BYD ee Bosaso taas oo loogu Maamusayey Soo dhawaynta xildhibanada ,
Hoolka wayn ee Amal Plaze oo si aad u wayn loo qurxiyey ayaan waxaa ku sugnaan ku dhawaad Boqol qof oo halkaas ku soo dhawaynayey Xildhibanada Sharafta Leh Marwo Sacdiya Carays Ciise Kaarshe . Dadkaas oo isugu jiray Isin ,Odayaal Waxgarad Aqoonyahano , Ganacsato , Siyaasiyiin maamulka , Dhallinyaro Haween iyo Qaybaha kale ee Bulshada .

Muddo yar ka dib waxaa Goobta Xalfada Casha Sharafta iyo Soo dhawaynta Xildhibanada ka Furmay Shirka kaas oo ay bulshada BYD ugu muujisay Xildhibanada Farxada soo dhawaynteeda iyo iswaydiin su’aalo,

Qaabka Hadlka loo kala qaatay ayaa ahaan sidatan
Mohamed Khaliif Ali (Xidig) “Xiriiriye “ Coordinator
Shiekh Moh’ed Adan (Kaysar) Qur’aan Kariim & Maxadaro
Ugaas C/salaam Gele Mohamed Codka Isimada
Ganacsade Saacid Maxamud Adan (Indhamadow) Codka Ganacsade
Xildhibanad Sacdiyo Carays Ciise Xildhibanada
Ganacsade C/risaq Cabdi Ismacil Codka Odoyaasha
Ustaad Mustafe Maxamuud Garas Codka Dallinyarada
Drs Zahra Cabdi (Sanwayne Shabeel) Codka gabdhaha
Marwo Goodamo Gowgowle Codka Maamooyinka
Iyo Dad Badan oo kale Su’aalo & Talloyin

Gabagabadii shirka ayaan waxaa la isla qaatay Go’aano iyo Talloyin ayada oo xildhibaandu ay balan qaaday in ay Talloyinka ula noqon doonto Masuuliyiinta kale ee BYD eek a tirsan Dowlada , sheegtayna in ay Booqashadeedu tahay mid farxad galisay ayna noqon doonto mid u soo xiiska dadkeeda hadana Booqan doonto Dhamaan Deeganada Puntland ee BYD .

Sido kale Dhamaan Bulshadii halkaas ka hadashay ayaan xildhibanad soo dhaweeyey booqashadeeda ayada oo loogu mahadceliyey karti iyo Howsheda sido kalena bulshada hadashay dhamaan ay xildhibaanda u sheegeen in ay aad u taageersan yihiin Dowlada sido kalana ay xildhibanda Mar iyo labo iyo ka badan ba ay soo dhawaynayaan.

Xildhibanad Sacdiya Carays ayaa ah xildhibaanada kaliya ee Reer Puntland ah oo fasaxeeda soo booqatay deeganadeda iyo dalkeeda ayada oo lagu soo dhaweeyey dhamaan Goobihii ay gaartay sida Dagmada Bosaso oo ay soo dhaweeyeen Maamalka Gobolka Bari , Maamulka Dagmada , Golaha Wasiirada Waxgaradka iyo Dhamaan qaybaha kale ee Bulshada Reer boosaso .

Xildhibaanda ayaa la rajayn in ay Booqasho ku gaarto Deegaanada Puntland Qaar sida Dagamda Carmo illa ay ka gaarto Magalada Galkacyo .


Mohamed Abdighani Gele

Related Items

Comments


Leave a comment