Mudaharaad Dad ku dhintay kuwo kalena ku dhaawacmeen oo ka dhacay magalada Burco

Monday December 23, 2013 - 21:46:36
0 Comments
858
Super Admin
Mudaharadyo Sababey Dhaawac iyo dhimasho ayaa ka dhacay Xaarunta Gobolka Togdheer ee Burco.


Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad rashado ka dhasheen oo maanta ka dhacay magaalada Burco –¬, ka dib markii ay isku dhaceen dad rayid ahi ay ka gadooday Taliyihii qeybta booliska gobolka Togdheer oo la bedelay.


Dowlada Somaliland ayaa wafdi wasiiro ah u dirtay magaalada Burco, weftigan Wasiirada ah iyo maamulka gobolka Togdheer ayaa shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaaladda Burco waxay ku sheegeen inay ku gudo jiraan xal u helida rabashadaha khasaaruhu ka dhasheen ee maanta ka dhacay magaalada, sidoo kale waxay ugu baaqeen qeybaha kala duwan ee bulshadda Togdheer inay ku dedaalaan adkaynta nabadgelyada dalka ,

Xafiska Warqadka BTS Burco


Related Items


Leave a comment