Warbixin: Somalidii U badnayd ee Sanadkaan lagu laayey wadanka South Africa

Monday December 30, 2013 - 22:14:57
0 Comments
4169
Super Admin
Illaa 80 Soomaali ah ayaa sanadkani lagu diley Koonfur Afrika sida ay muujinayaan tirakoob lagu kalsoonyahay, iyada oo ay dhaceen gaboodfalo kale oo boqolaal ah sida boob iyo dhac loo geystey ganacsiyadda Soomaalida.

54 ka mid ah dadkani waxa ay ku dhinteen gobolka Western Cape ee ay Cape Town xarunta u tahay, waxayna tani ka dhigeysaa meelaha dilalka ugu baddan ay ka dhacaan.

Illaa 7 boqol oo goobood oo ganacsi ah ayaa la boobey , halka kuwa la dhacayna aysan tirakoob lahay.

Waxaa la sheegey in dhacdooyinkaasi qaarkood ay Soomaalida iyada sabab u ahayd kadib markii muwaadhiniin Soomaali ah ay gacanqaad ku waxyeeleeyeen dad u dhashay Koonfur Afrika, taasina ay ka dhalatay carro iyo gadood horseedey in Soomaalida la waxyeeleeyo.

Waxaa kale oo jira beylah iyo dhooroof la’aan Soomaalida dhankeeda ah oo horseeda dhibaatooyinka dhaca qaarkood, iyada oo sidoo kale dhibanne u ah heerka dambiyadda dalkani ka dhaca oo ka mid ah kuwa ugu baddan adduunka.

Sababaha kale ee dhibaatooyinka loo tiirinayo waxaa ka mid ah is dhexgal la;aan Soomaalida iyo muwaadhiniinta, isfaham xumo, aqoon la’aanta luuqadaha maxaliga ah ee Soomaalida, iyo waliba Soomaalida oo aanan helin wacyigalin ku saabsan bulshada ay ku dhexnoolyihiin ama wax loo yaqaano Oriantation ee la mariyo Soomaalida wadamadda kale ee Galbeed u haajiraya.
Waxaa kale oo jira sababo kale oo ay ka midyihiin in ganacsiga ay Soomaalida ku jirto uu yahay ganacsiga obosiibada ah ama aanan dowladda u diiwaangashanayn, deegaanada ay ka ganacsadaan oo ah goobihii lagu karantiilo jirey dadka madoow xiligii midabtakoorka halkaasi oo ay ku badanyihiin dambiyadda, islamarkaasina ku yaryihiin saldhigyadda Police-ka.

Arrimaha waxaa oga sii daraya Soomaalida oo marka dambiyo laga galo aanan iyagu ku samaynin wax dabogal ah iyo waliba marqaati fur ah marka maxkamadda la keeno qofkii dambiga geystey, taasina ay keento in dambiilihii la siidaayo maadaamaa aysan jirin caddayn iyo cid ku marqaati kacaysa kadibna uu geysto dambiyo kale.

Waxaanse marnaba la inkiri karin ajnabi nacaybka ku dhex bulaalay bulshada Koonfur Afrika.

Hadaba xagga hoose waxaan idiinkugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah dadkii la diley sanadkani 2013-ka, meelihii lagu diley iyo waliba sababihii loo diley.

2/13/13 Magalada Cape Town Gaar Ahaan Xaafadaha Kuguleeto iyo Mufuleeni Waxaa Malin Gudaheeda Lagu Kala Dilay Labo Ganacasade Soomaali Ah Oo Lagu Weeraray Dukaan Ay Lahayeen .

2/14/13 Ganacsade caan ka ahaa magalada cape town ayaa rag hubeeysan toogteen waxana lagu magacabi jiray Xuseen Cali Jimcaale Kooxda Burcada Ee Dilka U Geysatay Marxuum Ganacsade Xuseen Cali Jimcaale Ayaa Ku Amray In Uu Bannaanka Uga Boxo Goobtiisa Ganacsi Balse Marxuumka Ayaa Ka Dhega Adayga Inuu fuliyo Amarka Burcadaas Waxaana Intaa Ka Dib Ay Burcadii ku dhaqaaqday iney dilaan ganacsadaha Soomaaliyeed waxaana markiiba goobta soo gaaray ciidamada wadanka Koonfur Afrika.

2/14/13 Burcad hubeeysan oo koonfur afrikan ayaa toogtay muwaadin magaciisu lagu sp koobay Yousuf magalada cape town sido kale isla malintaas tuulada Kakuleto Ku Dilay Gnacsade Kale Oo Soomaaliyeed Kasi Oo Sida La Sheegay Ku Sugna Dukaankiisa Waxana Burcada Marka Ay Dilka Geysteen Ay Isaga Baxsadeen Goobta Walow Aysan Wax Dhac Ah U Geeysan Dukaanka Uu Joogay Marxuumka Dhintay.

2/15/13 Magalada Cape Town 24-Saac Gudaheed Waxa Lagu Dilay Sadax Qof Sidoo Kale Magalada port Elizabeth Waxa Dhac Baarasha Loogu Geeystay Ku Dhawaad 10 Qof Oo Muwaadiniin Soomaali Ah.

2/16/13 Deegaanka injooli Ee magaaladan Port elizabeth Burcad Hubeeysan Ayaa Dukaankisa Ku Dhax Dilay Muwadin Soomaliyeed oo lagu Magacaabi Jiray C/kariin Fanax.iyagoona dilkiisa u adeegsaday rasaas .

3/16/13 Kooxo Burcad Koofur Afrikaan Ayaa Degaanka Injoley Ee Magalada Port Elizabeth Ku Dilay Ganacsade Soomaaliyeed Oo Magaciisa Lagu So Gaabiyay Carab Xili Uu Alaab U Waday Dukaan Uu Laha Oo Ku Yaalay Duleedka Magalada Port Elizabeth ,Dilkan Mudwaadinkan Soomaaliga Ah Ayaa Waxa Warbaahinta U Xaqiijisay Xaaska Uu Qabay Oo La Socotay Xiliga La Dilayay Isago Ifka Kaga Tagay 4 Caruur Ay U Haysay,Xaaska Uu Qabay Maruumka Dhintay,Kooxda Dilka Geystay Oo Wadaay Gaari Yar Ayaa Istaajiyay Marxuuma Oo Watay Gari Nooca Karolada Waxana Inta Aan La Dilin Lagu Amray Iny Furaha Gaariga Iyo Lacagta Uu Waday Wareejiyo Balse Uu Ka Amar Diiday Burcada Waxana Ay Taasi Kentay In Dhawr Xabadood Ku Dhiftaan Dabeedne Xaaskiisa Oo La Socotay Ay Gaariga Ka Tureen Islamarkane Ay Gaari Wateen Burcada.

3/31/13 Degaanka Ridrid ee Magaalada Cape Town Waxaa Lagu dilay muwaadin lagu magacaabi jiray Muuse Sheekh Nuuradiin Rooble xuurshoow oo aabihii si weyn loogu yaqaanay geyga soomaaliya kaasi oo ahaa Sheekh akhrin jiray tafsiirka quraanka kariimka.

Kooxo hubeysan oo aanan heybtooda la garanaynin ayaa soo weeraray dukaankii uu lahaa marxuumka kuwaasi oo toogtey ka dibna isaga cararay goobta iyadoo booliska amaanka ee Koonfur Africa oo isagane soo gaaray meesha daqiiqado ka dib balse aysan u suura gelin in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglayashii ka danbeeyey falankani foosha xun.

5/07/13 48-Saac Gudaheeda Ayaa Waxa Lagu Dilay 3 Qof Degaanada Stellenbosch Iyo Khalija Ee Magalada Cape Town Waxana Sido Kale Lagu Dhawacay 2 Kale Kadib Markii Kooxo Burcad Ay Muwadiniintaasi Soomaalida Ah Ku Weerareen Goobohoda Ganacsi ,police-ka magalada cape town oo gaaray goobaha ay dilalka kala duwan ak dhaceen ayaa sheegay inay baarayaan ragii ka danbeeyay dilka balse lagu ma guuleysan in laso qabto.

Sido kale isla bishaasi gudaheeda waxa goor aroor ah la dilay marxuum magaciisu lagu so koobay abdrashiid kaasi oo watay gaari yar oo dukaanka ugu adeegan jiray isago ku wajahan dukaankiisa si u ugu so qaado lacag uu dukaanka ugu adeegto ayaa rag burcad ah jidka inay ay u galeen dhowr xabaooda la dhaceen waxana sido kale la saarna gaariga ganacasade kale kaasi oo dhawac lugaha so gaaray .

5/28/13 Laba nin oo ganacsato Soomaaliyeed ayaa si yaabo kala duwan loogu dilay degaano ka tirsan Magaalooyinka Johannseburg iyo Petesburg ee dalka Koonfur Africa ,alla ha u naxariistee ahmed Ibraahim Nuur oo ahaa ganacsade ayay Burcad Koonfur Afrikan ah xabad madaxa kaga dhufteen isago saacado kadib u geeriyooday dhaawac xun oo soo gaaray degaan ka tirsan Magaalada Betersburg halka Maxamuud Geesood oo isna ku lahaa Dukaan tuulo hoostagta Johanessburg xilli boob xoogan loogu geysanayay ganacsto Soomaaliyeed halkaasi baangado iyo dhagaxaan kaga dhaceen madaxa iyo jirka intiisa kale dhawac halis ah oo kadib ugu geeriyooday.

6/01/13 Warbaahinta Koonfur Afrika Ayaa So Bandhigtay Muuqaal Naxdin Leh ,Nin Soomaali Ah Oo Dhagax Iyo Baangad Lagu Dilaya Degaanka Greenfields Ee Duleedka Magalada Port Elizabeth,Gobolka Easten .muwaadinkaasi oo lagu magacabi jiray Cabdirishiid Good oo ahaa muwaadin dhalanyara ah misane ganacsada ahaa waxaana dilkaasi soomaalida ku abuurtay dareen xoogan iyado banaanbaxyo wa weyn ay dunida gil gileen gaar ahaan magaloyinka ay soomaalida caalamka kaga nool yihiin waxana banaabxayadasi ay ahaayeen kuwa looga so horjeeday dilalka aan dhamaadka laheyn ee wali soomaalida koonfur afrika lagu hayo.

6/09/13 Magalada Cape Town Gaar Ahaan Degaanka Isku Raranka Ah Ee Kaliija Malin Cad Rag Burcad Ahaa Ayaa Dil Arxan Dara Ah U geeystay Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Abdihakiin Haaji Hussein Xili Uu Watay Gaari Yar Oo Ay U Saarnayeen Alaaba Ganacsi Si Uu Ugu iIB Geeya Dukaamaha Kale Oo Ay Soomaalida Ku Leeyihiin Degaankasi.

Isla 6-2013 6 Qof Oo Soomaali Ayaa Lagu Dilay Magaloyinka Cape Town ,Port Elizabeth,Iyo Johanesburg iyado dilalakaasi arxan darada ah ee dhacay aysan jirin cid lo so qabtay ama wax iska weydisa beegsiga lagu hayo soomaalida .

7, 6 , 2013 Koox Burcad Ah Ayaa Dilal Arxan Dara Ah U Geeystay Labo Muwaadin Oo Soomaali Ahaa Misane Aad Isugu Dhawaaca Oo Lagu Kala Magacaabi Jiray C/salaan Nuur Muxudiin iyo Maxamed Xaan Muxudiin, Xili Ay Ku Sugnayeen Dukaan Ganacsi Oo Ku Yaala Tuulada Booqama Ee gobolka limpopo ee Dalka K/ Iyado Dilkooda Lo Adeegsaday Bangadho Iyo Toreeyo.

27,6 2013 Burcad Hubeeysan Ayaa Degaanka Mamlodi Ee Duleedka Magalada Pretoria ee Caasimada Koonfur Afrika Xili Habeen Ah Waxay Ku Dileen Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Magacabaai Jiray Haadi Mohamed Nuur Oo Da,diisu Aheyd 23 Jir.

Bishii Jul 9, 2013 Waxa Magalada Rustenburg Gaar ahaan Tuulada Wandkrob Lagu Dilay Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Magacaabi Jiray Abdirashiid Muuse Ismaan Gureey Oo Lagu Naaneysi Jiray ( Ilka Case ) Xili uu kusii wajahnaa dukaan dariiskiisa ahaa Waxana Burcad toreeyo ku hubeysan oo jidka u galay isku dayeen inay mobeil uu watay ka qaatan balse uu iska diifacay hasa ahaatee burcada ayaa dhowr toori la dhacay taa oo ugu danbeeyntii keentay inu geeriyooda marxuumka .

8/27/13 Rag Hubeeysan Ayaa Toogtay Ganacsade Lagu Magacabi Jiray Mahamed Abdullahi Waxana Rag Burcad Ah Oo Hubeeysan Ay U Galeen Wadada Isago Wata Gaari Nooca Bakida Ah Oo Dukaama Uu Ugu Adeegi Jiray Waxana Burcad Oo Istaajiyay Gaariga Ay Marxuumka Ku Bilaabeen Rasaas Taasi Oo Ka Haleeshay Madaxa Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Jirka Islamarkane Uu Goobta Ku Nafbaxay.

1 -9-2013 ,Dhacdo Naxdin Iyo Argagax Leh Ayaa Ka Dhacday Tuulada empisa Ee Duleedka Magalada Johannesburg Ee Dalka K/Afrika. Kadib Markii Sadax Muwaadin Oo Soomaali Ah Hal Dukaan Ku Wada Dhinteen Iyado Dhimashada Muwaadiniintasi Warar Kala Duwan Laga Kala Bixiyay ,Wararka Ayaa Sheegaya In Lagu Dhax Gubay Dukaanka Iyagoo Jiifa Lagu Dhax Tuuray Qaruurad Waxyaba Qarxa Ku Jireen Islamarkane Lagu Daadiyay Dukaanka Waxyaaba Kiimiko Ah Oo Dabka Hurinaya Waxana Lagu Kala Magacabi Jiray Muwadiniintaasi ,,Bashiir Maxamed,,,Cabdi Shaafi iyo C/Wali Cabdullaahi Aadan.
10/31/13 Magaalada port elizabeth ee koonfur Africa, waxa dil iyo dhawac loogu geeystay muwadiniin soomaaliyeed oo halkaasi ganacsiya kala duwan ku laha iyado markii dilka uu dhacayne kadib la boobay hantidooda Kooxo burcad k/afrikan ah oo weerartay dukaan ganacasde soomaaliyeed uu ku lahaa tuulada Missionvale ee duleedka magalada port elizabeth waxay ku dileen muwaadin lagu magacabi jiray Ali Abdi Kadir waxaana sido kale dhawac halis ah loo geeystay muwaadin kale oo isan haatan jiifa isbitalka livestone muwaadinkaasi oo lagu magacabo Mohamed Hareed oo ku magac dheer cajeex.

13, November 2013 Magalada Cape Town Waxa Lagu Dilay Ibraahin Macalin Abuuka. Oo Ahaa Shaqsi Si Weyn Soomaalida Cape Town Ay U Taqaana Waxana Marxuumka Oo Lagu Weeraray Dukaankiisa Islamarkane Rasaas Lagu Furay Dhawaca Kasoo Gaaray Aaqirkii U Dhintay Xili Cisbital Loola Cararay.

4, November, 2013 Burcad Hubeeysan Ayaa Toogtay Cali Sheekeeye xili uu ku suganaa dukaan oo lahaa oo ku yaala duleeka magalada johannesburg walow waxaana isla weerarkiisa ku dhaawacmay nin isna lagu Magacaabo Ciise Madoobe oo ay wada shaqeyn jireen marxuumka la dilay.

8, December 2013 Magalada Cape Town Waxaa lagu dilay muwaadin soomaaliyeed kaasoo lagu magacaabi jirey Cabdiraxman Sh Nuur Ow’Gacal xili uu ku sugnaa goobtiisa shaqo .
Waxa Jira Dhalanyara Dhawacayo Rasaas Iyo Mindiyo Ay Soo Gareen Kuwa Oo Qaarkood Aaqirkii U Dhintay.

Sido Kale Tirada Soomaalida Ganacstada Ah Ee Sanadkan Dhawacyada Rasaaseed Iyo Baangadaha Ama Midiyada Waxay Garayaan Ilaa 27 Kuwa Oo Qaarkood Ay La Nafaboobeen Dhawacyadii Soo Gaaray
Dilalka Ay Soomaalida Geeysteen Oo Inta Badan Dhibaata Xun Laga Dhaxlay.
5/27/13 Abraham Mabuke Oo Kamid Councilor Ama Gudiga Degaanka Diepsloot Ee Hoos Taga Magalada Pretoria ayaa warbaahinta u xaqijiyay in Nin Ganacsada Soomaali Ah uuToogasho Ku Dilay Laba Nin Uu Kaga Shakiyay Inay Damacsanayeen Dhac Ay U Geeystaan Dukaankiisa Ganacsi.

Dilka Ayaa Yimid Kadib Markii Ninka Ganacsadaha Soomaaliga Ah Oo Ku Jira Gudaha Dukaankiisa Islamarkane Howlahiisa Shaqo Si Caadi Ah U Wata Isago Markaasi Caawinayay Dad Cusmorkiisa Ah Oo Ka Adeeganayay Dukaanka In Ay Yimadeen Laba Nin Oo Asalkooda Yahay Zambabwin Kuwa Oo Isku Dayay Inay Gudaha Dukaanka Galaan Oo Ay Dhacaan Hasa ahaate Rasaas Kaga So Ruday Gudaha Dukaanka Ay Haleeshay Labada Nin Kadibna Goobtii Ku Naf Baxay,Iyado maalima kooban xabsiga uu ku jiray muwadinka soomaaliga ah ayaa lagu so sii dayay damiin.

Magaloyinka Porta Elizabeth, Cape Town,Iyo Johannesburg Rabshada Xoogan Oo Soomaali Badan Ku Hanti Beeshay Ayaa Lagu Eedeeyay Inay Sabab U Ahaayeen Ganacasata Soomaali Ah Kuwa Oo Iyago Is Difaacaya Dilal Kala Duwan Geeystay.
Dukaamaha Ganacsi Ee Soomaalida Sanadkan Dhamaday 2013 La Boobay Ayaa Gaaraya Ilaa 600 Oo Dukaan.

Sanadkan Sii Dhamanaya Ee 2013 Boobka Ayaa Waxa Uu Ahaa Mid Xad Dhaaf Ah Iyado Tirada Dukaamaha La Boobay Ay Gaareen Ilaa 600 Oo Dukaan Oo Soomaali Kali Leedahay Hasa Ahaatee Waxa Jiray Dukaama Badan Oo Ganacta Kale Oo Ajaanib Leeyihiin Oo Cagta La Mariyay .

Hadii Aan Ku Hormarna Gobollka Free State Ayaa Rabshada Xoogan Oo Bilowgii Sanadkan Ka Dhacay Waxa Lagu Boobay In Kabadan 400 Oo Dukaan Oo 80 Kamid Ah Soomaali Ay Lahayeen .

Rabshada Ayaa Ka Danbeeyay Kadib Markii Dadweyne Ka Cabanaya Koronto La,aan Ay Dhigeen Banaabax Ay Dowlada Hoose Ugu Codsanayaan In Koronto Joogta Ah Ay Helaan Ayaa Markii Wax Lo Qaban Waayay Ku Qamaamay Ganacsiyada Ajaanibta .

Waxaa Sida Wada Jir Ah Warbixintan U Diyaariyay Wariyayasha Kala Ah.

Omar Kiyow .
Abdinaasir Saxansaxo
Johannesburg -K/Afrika

Related Items


Leave a comment