Xildhiban Somali Kenyan ah ayaa ka hadlay Arimaha Ciidanka kenya ee Kismayo

Monday February 10, 2014 - 12:25:39
0 Comments
1269
Super Admin
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Baarlamanka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Kenya qaarkood laga saarayo magaalada Kismaayo, laguna bedelayo ciidamo ka socda dalka Siere-leone.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay xildhibaanku in ciidamada Kenya ee laga saarayo Kismaayo oo gaaraya hal guuto ay ku wajahan yihiin degaanada Jilib iyo Jamaame si ay Al-Shabaab uga saaraan degaanadaas iyo kuwo kale.

“Ciidanka Kenya 200 askari marka laga reebo inta kale waa laga saarayaa Kismaayo, si ay uga qeyb qaataan howlgal Al-shabaab looga saarayo degaano ay weli harsan yihiin oo dhowaan bilaabanaya” ayuu intaa ku daray Aadan Barre Ducaale.

Waxaa uu sheegay in la dejiyay qorshe milateri oo dhigaya in Ciidamada Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay Al-Shabaab ka xoreeyaan degaanada ay ku sugan yihiin ee juubooyinka iyo Gedo, isagoo xusay in sanadkan gudihiisa la soo afjari doono Al-shabaab.

“Kenya iyo dalalka kale ee geeska afrika waxaa dan ugu jirta amaanka Somalia sidii loo soo celin lahaa, waa taas sababta keentay iney ciidamo badan u diraan gudaha dalkaas si ay cadowga uga taqalusaan” ayuu intaa ku daray xildhiubaan Aadan Barre Ducaale.

Related Items


Leave a comment