Warbixin + Sawiro ninkii xalay galkacyo dadka ku dilay oo gacanta loo soo galiyey Maamulka G.Mudug

Wednesday February 26, 2014 - 16:50:38
0 Comments
1282
Super Admin
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Maxamed Yusuf Jamac oo maanta lagu wareejiyey Nin xalay weeraray Maqaaxi laga cuneeyo ee ku taal Xafada Garsoor Galkacyo ayaa Yiri sidan:-

"waxaa maanta guul noqotay inuu dhamaaday waqtigii cadow dhanka puntlan intuu dad ku laayo u baxsado gal mudug waxay xalay ku guulaysteen booliska gobolka mudug inay dhaawacaan dhagarqabayaal doonayay inay dadka gaalkacyo laayaan markay u baxsadeen.

dhanka galmudugna waxaa gacanta ku soo dhigay booliska galmudug baaritaan labada boolis kadib waxay ku soo wareejiyeen puntland waxaannu ku heshiinay inaan isku darno labada boolis gaalkacyana ay si wadajir ah uga wada hawl galaan amnigeedana lawada sugo"

Eedaysanaha la qabtay waxaa lagu magacaabaa C/fitaax Xasan Xaamud hooyadiisna Shariifo Gacal Fiidow wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho waxaa gurigiisa mar la soo baaray laga helay liis dadka madaxda ah ee puntland iyo gal mudug iyo haldoor labada dhinac iyo suxufiyiin Sida uu yiri Gudomiyuhu.











Related Items


Leave a comment