Xildhibanada Somalia oo hanjabad iyo sharuudo uga yimaden alshabaab AKHRISO

Wednesday February 26, 2014 - 16:55:57
0 Comments
1175
Super Admin

Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangole) oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa fariin gaar ah waxa uu u diray Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Fu’aad Shangole ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka toobad keenaan qaladaadka ay ku jiraan , waxa uuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay gumeesi hor leh dalka galinayaan.

Sargaalkan katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ay kasoo laabtaan la shaqeynta waxa uu ugu yeeray Cadawga kana qeyb qaataan difaacada Dalka iyo diinta.

“Waxaan si gaar ah ula hadlayaa kuwa Baarlamaanka fadhiya alle u towbadkeena towbadiina waa la aqbalayaa waa in ay kuraasta ka kacdaan, dalkiini waa la qeybsaday oo cadawgii ayaa Afar ukala qeybsanaya”ayuu yiri Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf.

Sheekh Fu’aad Shangole ayaa tilmaamay in xildhibaanada baarlamaanka Dowlada ay yihiin dad Soomaaliyeed balse ay ku dhaceen Riddo markii ay cadawga lasoo safteen ,sidaasi daraadeedna Towbadkeen looga baahanyahay si ay uga qeyb qaataan difaaca dalka.

Hadalka kasoo baxay Sargaalkan katirsan Al-Shabaab ayaa imaanaya xili Dowlada Federaalka Soomaaliya ku hawaaqday Dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab oo lagu qaado gobolada iyo Deegaanada ay dalka ka joogaan.

Related Items


Leave a comment