Wasiiro XFS oo kaqayb galay shir looga hadlayay lacagta sharci darada ah iyo Alshabaab

Friday November 17, 2023 - 13:37:02
0 Comments
153
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shiray isugu yimaadeen Guddiga Qaranka ee u xilsaaran Kahortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta kooxaha Argagixisada

Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga XFS, Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha Hey’adda NISA, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaliya, Xeer ilaaliyaga guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah iyo maalgelinta argagixisada oo dhib badan ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan xubnaha Guddiga waxa ay xoojiyeen ballan qaadkooda ku aadan in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo hey’addaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

Islamarkaasna loo helo Nidaam Maaliyadeed oo hufan wuxuu daruuri u yahay in dalku helo maalgashi caalami ah, la xaqiijiyo amniga iyo horumarinta dhaqaallaha guud ee dalka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment