Waa nin ceykee ah Madaxwayne Rajab Tayyip Ardogan?

Thursday July 21, 2016 - 00:22:20
0 Comments
2145
Super Admin
Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Ardogan, wuxuu ku dhashay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Istanbuul , 26-Febrayo .Sanadkii 1954tii, waa siyaasi Turki ah, Islaamnimadaba aad ugu wayn, wuxuuna Madaxweynaha Turkiga noqday Doorashadii bishii Agoosto 2014kii.

Waana siyaasi dalkiisa iyo dibadiisa sumcad weyn ku leh, gaar ahaan marka laga hadlayo qadiyadaha islaamka Caraabta iyo tan mushkiladda falastiin.

Waxa u Sanadkii 1985 noqday Madaxa Xisbiga Al-rufaat, waxaa da’adiisu aheyd 30 sano,waxanaa Xisbigu u shaarxay Xubin Baarlamaan doorashadii 1987-1991-kii, kadib wuxuu isku soo sharaxay Dowladda hoose ee Magaalada Istanbuul sanadkii 1984-kii, wuxuuna ku guulaystay Doorashadaasi, isagoo noqday duqa Magaalada Istanbuul, kadibna wuxuu u ka gaaray Madaxweyne,isagoo dalkiisa ku hogaaminay horumar dhaqaale dhameystiran.

Waa Maadaxweynaha hadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Waxa uu ku biiray xisbigii Khalaas Al-waddani oo uu Guddoominayay Najmu-diin Arbakaan dabayaaqadii todobaatameeyadii, hayeeshee afgembigii millateri ee ka dhacay Turkiga 1980 ayaa meesha ka saaray xisbiyadii siyaasadda, seddex sano kadib oo ay xisbiyada siyaasaddu ku soo laabteen Turkiga ayuu noqday Erdogan xubin aad u firfircoon oo ka mid ah  xisbiga Rafaah isaga oo olole weyn uga sameeyey xisbigaasi Magaalada Istambuul, doorashooyinkii 1994-kii ayaa xisbigiis Rafaah u sharraxaya in uu Ordagan noqdo Duqa Magaalada Istambuul, si fiican ayuu ugu guuleystay doorashadaasi.

Afar sano kadib 1998 ayuu asaasay xisbiga caddaaladda iyo horumarka, hayeeshee waxa lagu eedeeyey in uu sameeyey kicin, isnacayb iyo kala tag dhalin kara isaga oo adeegsanaya diin, taas oo sababtay in xabsiga la dhigo, islamarkaana laga mamnuuco in uu qabto xil dowladeed, waxa uu xilligaasi ku jiray ololihii doorashooyinka guud ee dalka Turkiga, waxaa lagu qabsaday in uu dhowr beyt oo ka tirsan gabay Turki ah uu ka hor akhriyey dadweyne.

Waxa u Sanadkii 1985 noqday Madaxa Xisbiga Al-rufaat, waxaa da’adiisu aheyd 30 sano,wxanaa Xisbigu u shaarxay Xubin Baarlamaan doorashadii 1987-1991-dii, kadfib wuxuu isku soo sharaxay Dowladda hoose ee magaalada Istanbuul sanadkii 1984-tii, wuxuuna ku guulaystay Doorashadaasi, isagoo noqday duqa magaalada Istanbuul.

Xisbigiisa  horumarka iyo Cadaaladda oo uu hadda, hogaamiyo Madaxweyne Ardodogan, wuxuu guulaystay saddex mar,Taasoo u horseeday inuu Rajab Tayyip Ardogan. noqdo Madaxweynaha Turkiga oo si aqlabiyad leh shacabkiisa ay u doorteen.

Xagga Waxbarashada, waxa uu ka baxay Kulliyadda  dhaqaalahha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda  Marmar ee Turkiga, wuxuuna xilka raisulwasaarenimada Turkiga qabtay sanadkii 2003-kii, isaga oo hayey illaa sanadkan 2014, Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa magaalada Darabzoon, waxa uu ku soo barbaaray saboolnimo, billowgii ku soo biiriddiisa siyaasadda ayuu u sheegay warbaahinta in uu iibin jiray khudaarta gaar ahaan Batiikh iyo sisin, taasi oo uu sheegay in ay ka dabooli jirtay kharashka tacliinta ee dugsiyadiisii hoose dhexe, waxa uu dhigtay dugsiga Immaan khaddiib oo ahaa Iskuul diini ah oo lagu barto culuumta Islaamka, kadibna waxa uu galay kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Marmara.

Waxa uu iska difaacay dhammaan eedihii loo soo jeediyey isaga oo xiriirkii aragtiyeed ee kala dhexeeyey saaxibadiisa siyaasadda ee u janjeeray dhanka Islaamka isku dayey in uu u difaaco hab aan siyaasadda kalasaaridda diinta iyo siyaasadda ama cilmaaniyadda aan si toos ah uga hor immaaneyn.

Taageerayaasha cilmaaniyadda ayaa u adeegsaday warbaahinta iyaga oo ku dhalliilay in uu hirgelinaya aragtida dhisidda jamhuuriyad Muslim ah oo la yiraahdo Turki, taas oo ku soo jeedisay indho badan oo siyaasaddaas aan la dhacsanayn.

Mucaaradkii ka horjeeday ayaa ka sameeyey dacaayad ahayd in uu doonayo in uu u dhaqmo sida Falaadamiir Buutinka Raashiya, Selfiyo berleskooniga Itaaliya oo marna noqda madaxweyne marna Raisalwasaare.

Ugu dambeystii,15-bishan Julay, waxa uu fashilayay isku day inqalaab ay ku kaceen koox falaag ah oo ka tirsan Ciidamada Turkiga oo u adeegayayay quwado dibadda ah, waxaan afgenbigaasi si wada jir ah uga hortagay, shacbka Turkiga iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Rajab Tayyip Ardogan

W.D:-Mukhtaar

Related Items


Leave a comment