In ka badan 10-ruux oo ku dhintay qaraxyadii saaka Muqdisho ka dhacay

Tuesday July 26, 2016 - 11:46:32
0 Comments
1059
Super Admin
13-qof ayaa ku dhimatay 9-kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa islamrkaana ay saarnaayeen dad isi soo miidaamiyey ay ku qarxeen meel ku dhow xerada Xalane, gaar ahaana inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha iyo afaafka hore ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo gaaray goobta ayaa sheegay in labada gaari oo mid uu ahaa nuuca loo yaqaan dheynaha la doonayey in lagu qarxiyo goob ay dagan yihiin qaar kamid ah hay’adaha UN-ka

Waxa uu sheegay in daariga dhaynaha ah uu ku qarxay wado u dhaxeysa albaabka garoonka diyaaradaha laga galo iyo afaafka hore ee xerada Xalane ee loo yaqaan Madiina Gate.

Intaasi kadib Gaari kale oo nuucada raaxada ah ayuu sheegay inuu isku dayey in uu kasoo gudbo bar-koontarool oo ay leeyihiin ciidamada NISA, balse ay ku fureen rasaas ay uga hortagayeen, sidaasina uu ku qarxay gaarigaasi.

"Dadka dhintay waxey isugu jiraan shacab goobta marayey iyo ciidamo ilaalo u ahaa hay’adaha UN-ka, Qaraxa dambe waxaa ku dhaawacmay labo askari”ayuu yiri C/fitaax Cumar Xalane afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

AMISOM waxa ay sheegeen in qasaaraha dhankooda soo gaaray ay dib kasoo sheegi doonaan.

Related Items


Leave a comment