Yam Yam yeen "Soomaali baan Ahay" w/q Yusuf Garaad

Monday August 01, 2016 - 00:22:34
0 Comments
1477
Cabdulqaaddir Xersi Yam Yam oo ahaa hal-abuur iyo mufakir, Allah ha u naxariistee wuxuu tiriyay hees la yiraahdo Soomaali baan ahay oo xikmad weyn xambaarsan ka sokow faanka iyo gooddiga Soomaalinnimo ee badankeen aan jecel nahay.

Waxay tilmaameysaa sifooyin aad u sarreeya oo ay Soomaalidu leedahay, aniguse aan is iri Soomaalidu ma wada laha sifooyinkaas wanwanaagsan ee waa sida uu Yam Yam nala jeclaan lahaa.

Erayada Yam Yam ee tilmaamaya iska caabbinta, dhiifoonaanta iyo faan kale oo badan waan iska qaadan karaa oo Soomaali badan wey leeyihiin sifahaas.

Xagga qabka wuxuu leeyahay "Sida dunida qaarkeed, Sandulleynta ma oggoli, ninna kabaha uma sido”.

Dinaca iska caabbinta "Nin i sigay ma nabad galo, Nin i sugayna (Sugnaan) maba jiro”.

Feejignaanta iyo haddana ka fiirsiga wuxuu leeyahay "Dabayshaan la socod ahay, Salfudeydna uma kaco”.

Xagga Abaalka wuxuu leeyahay "Saaxiib nin aan nahay, Cadowlgeyga lama simo Soomaali baan ahay".

Laakiin marka uu caddaaladda ka hadlayo wey isu key qaban waayeen muuqaalka uu bixinayo iyo dhaqanka Soomaali inta aan ka aqaan. Wuxuu yiri  "Sinnaantaan la magac ahay, San-ku-neefle ma oggoli in uu iga sarreyn karo”. 

Dabcan marka aad leedahay cid iga sarreysaa ma jirto, haddii aan hadalka si kale u dhigno waa in aad qiran tahay in aan la kala sarreyn. Eeg, Yam Yam inta aanuu noo sheegin in aanuu oggoleyn in laga sarreyn karo, wuxuu noo sheegay in uu aamminsan yahay sinnaanta Aadanaha.

Intaas haddii aad qirto, macnaheedu waxaa uu yahay in aanad adiguna cidna ka sarreyn.

Meesha aan anigu doodda gelinayo waxay tahay marka Soomaalida qaar la liido qaarna la sara mariyo sida wax qeybsiga siyaasadda ka muuqata, sida bulshada dhexdeeda ka muuqata xagga sheekooyin-dhaqameedka iyo guurka, ma waxaan dhihi karnaa Soomaalinnimadu waa mid aamminsan ama ku saleysan sinnaan?

Waa Maya.

Sida aan qabo, quursiga iyo liidka ku saleysan heybta ee Soomaalida dhexdeeda lagama gudbi karo keligeed, haddii aan bulshadeennu joojin quursi iyo faquuq Aadane oo dhan. Waxaan ula jeedaa ajnebiga isir ama qowmiyad darteed haddii aan qaarkood u quursanno, oo aan isu qabno in aan ka sarreyno, macnaheedu waa in aan aamminsan nahay in aadanuhu uu kala sarreeyo isir ahaan. Markaasna waxay soo geleysaa dhexdeenna.

Waxaa igala habboon in aan ubadkeenna ku barbaarinno, annaguna aan tusaale u noqono in bani’aadamka aan qof qof ugu qiimeeyno fikirkiisa iyo falkiisa.  Qof qof waxaan ula jeeda in qof kasta oo qaangaar ah uu keligiis mas’uul ka yahay fikirkiisa iyo falkiisa, ayna kala madax bannaan yihiin qof kale oo kasta, xataa waalidkii dhalay iyo kuwa uu isagu dhalay. 

Yam Yam Ilaahow u naxariiso oo Ilaahow ajar ka sii guuvaavada iyo wax-u-sheegga Umadda Soomaaliyeed oo uu muddo dheer waday iyo khataraha uu u qaatay Soomaalinnimada.

Related Items


Leave a comment