Ilhan Omar oo noqotay Gabadhii ugu horaysay oo xil kaqabata Maraykanka

Wednesday August 10, 2016 - 07:28:46
0 Comments
1534
Ilhan Omar oo ah gabar Somaliyeed kuna nool dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis ayaa caawa waxay ku guulaysatay Kursiga matalaada Dagmada 60-B ee heer Gobal. Ilhaan ayaa soo hoyisay Taariikh cusub taas oo noqonaysa qofkii ugu horeeyey ee Somali ah ama East African oo ku fariista kursiga matalaada heer Gobal.

Ilhan waxaa latartamay Mohamud Noor oo ah wiil Somaliyeed iyo Phyllis Kahn oo in kabadan 40 sano soo hayey kursigaan, waana nin cadaan ah una dhashay isla gobalka. Sadexda Musharax ayaa waxay kala heleen codadkaan: 

Somalida kunool Maraykanka iyo guud ahaan dunida ayaa aad usoo dhaweeyey guushaan ay soo hoyisay Ilhan Omar. Waxaana la'oran kaaraa waa guusha gabdhaha Soomaaliyeed .Ilhan waxay gashay taariikhda waa gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo xil weyn kaqabata dalka Maraykan-ka.


Related Items


Leave a comment