Faadumo Cali Nakruuma oo goordhow ku geeriyootay Muqdisho

Sunday February 21, 2021 - 15:05:58
0 Comments
439
Nasteeh Bare
Fanaanadii caanka aheyd Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid ahayd Fanaaniintii Qaranka Soomaaliyeed ayaa goordhow ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Fannaanada ayaa ku geeriyootay Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahan la xanuunsaneysay xanuunka Coronavirus.

Faadumo Cali Nakruuma ayaa ka mid ahayd qurbojoogta Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay,waxayna ku luqeysay heeso badan oo Jacayl iyo waddani leh, iyadoona ka tirsaneyd kooxdii Waaberi.


Related Items


Leave a comment