Dhexdhexaadin laga dhexwaday Xukuumada iyo M/musharaxiinta oo fashilantay

Wednesday February 24, 2021 - 17:20:17
0 Comments
828
Nasteeh Bare
saacadihii ugu dambeeyey waxaa ka socdey magaalada Muqdisho dhex dhexaadin laga dhex wadey xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha & Ra'iisul Wasaare Xuseen Rooble kaas oo lagu doonayey baajinta banaanbaxyadii mucaaradka


Sida wararku sheegayaan Ergo ay ka mid yihiin Senator Cabdi Qeybdiid, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor iyo xubno kalea ayaa dadaal u galay sidii Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharaxiin waan waan ay uga dhex sameyn lahaayeen, isla markaana labada dhinac u kulmi lahaayeen.

Dadaaladan xubnahan ay wadeen ayaa bilowga hore ahaa inay kulmaan Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka haya, hase ahaatee xog hoose ayaa sheegaysa in musharixiintu dalbadeen in xukuumadda xilka heysa ay raali-gelin ka bixiso wixii dhacay 19-kii Febaraayo, kadibna laga wada hadlo sidii xaalada loo qaboojin lahaa, inkastoo ay arrintaasi ku adkaatay Villa Somalia oo doonaysa inaysan marna ka qoomamayn tallaabooyinka ay qaadday.


Related Items


Leave a comment