Booliska gobolka Nugaal oo ka Hadley kiiska gabar shalay Garoowe ugu geeriyootey xabad kaga kacdey wiil ay riwaayad wada jilayeen.

Thursday February 25, 2021 - 14:23:17
0 Comments
491
Nasteeh Bare
Taliska ciidanka ammaanka gobolka Nugaal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdo naxdin leh oo maalinimadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe

Taliyaha ayaa sheegay in Mid kamid ah dhalinyarada Riwaayadda Jilaysay ay ka kacday xabad baastoolad ah oo ay markii hore marxuumaddu raacisay isla markaana ka bixiweydey dhuunta baastooladda oo uu doonayey xilligaasi inay ka saaraan.


Waxa uu sheegay in xabsiga dhexe ee Garoowe ay hadda kujiraan 4 dhalinyaro ah oo goobta ku sugnaa oo wiil kale oo isagu ahaa mulkiilaha baastooladda ay xabaddu ka kacday oo dhalinyaradu doonayeen inay xilligaasi film kujilaan.


Related Items


Leave a comment