Hay'adda UN.OCHA Oo Sheegtay In Lacag Loogu Deeqay Dadka Biyo Yarida Haysato

Thursday March 25, 2021 - 13:24:54
0 Comments
379
Meeraysane.com


Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Bani’aadamnimada OCHA ayaa sheegay in $13 Milyan oo lacagta Doollarka ah oo ay ku bixinayaan Biyo dhaamin laga samaynayo degaannada ay Biyo yaraanta ka jira ee dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay OCHA ayey ku sheegtay in ay diiradda saarayso 34 degaan oo ka tirsan Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland oo ah meelaha ugu daran ay haystaan biya la'aan baahsan.

Hay'dda UN OCHA ayaa sidoo kale Tilmaantay in 3.4 milyan oo Ruux ay halis ugu jiraan Sanadkan Biyo la’aan. xoogan iyo abaar baahsan oo lafilaayo ku barakacaan dad lagu qiyaasay 380,000 oo qof.

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay wax ka qabato halista biyo yarida ah ee ka jirta Soomaaliya, si looga hortago xaalad kale oo intaasi ka sii daran.

Ramsiraas@gmail.com

Related Items


Leave a comment