La Soco Taariikh Nololeedka Musharaxa Da'ada Yar Ee Xidhibaan BFS

Friday July 09, 2021 - 21:48:14
0 Comments
498
Galkacyo


Musharax u taagan xildhibaanimada Barlamaanka Federal Somaaliya oo shalay xaflad Ku qabtay mid kamid ah hotelada magaalada Galkacyo ayaa soo badhigay taariikh nololeedkiisa waxbarasho.

Dr.Maxamed Hassan Kulmiye oo ah musharax u taagan xidhibaanimada Barlamanka Federalka 2021-2025 ayaa salaan kadib sheegay inuu  dhashay 1980 uuna ku dhashay magaalada Luuq-Ganaane ee gobolka Gedo.

Isagoo waxbarashada fasalka labaad ka bilaabay iskuulka C/laahi Binu Cabaas oo Ku yaalla xaafada Garsoor ee Galkacyo ilaa fasalka 7-baad islamarkaasna u wareegay magaalada Bosaaso ee gobolka Bari, isagoo waxbarashadiisa kasii waday ilaa heer dugsi sare fasalka 4-aad.

Musharaxa waxaa uu waxbarasho u aaday dalka Sudan islamarkaasna waxaa uu waxbarasho ka bilaabay jaamacada Al-zaciim qaybteeda caafimaadka- General health. Musharax luuqadaha uu ku hadlo waxa ka mid ah English  Arabic iyo luqada Hooyo.

Musharax Maxamed Hassan Kulmiye markuu arkay habaca dowladnimada Soomaaliya soo gaaray & howlaha badan ee looga baahan yahay dowlada dhiska Somalia ayuu go'aansaday inuu ka qayb qaato dhismaha dalka.

Axmed khadar Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment