Qarax khasaaro Dhimasho Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Thursday August 19, 2021 - 21:42:58
0 Comments
256
Muqdisho

Sedex ruux oo labo Askar yihiin iyo qofkii is qarxiyay ayaa la sheegay inay Ku geeriyoodeen Qaraxa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa islamarkaasna la beegsaday xarunta taliska police-ka Gobolka Banaadir.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qaybo badan oo ka mid ah magaalada muqdisho waxaana xigay dhawaqa rasaas ay fureen Ciidanka Dowlada federalka.

Ma jiraan wax faah-faahin ah oo ay laamaha Amniga Magaalada muqdisho ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment